4320 Views

DAAWO: Cabdiweli Gaas oo ka jawaabaya hadalkii Madaxwayne Xasan Sheekh

____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 04 09 2016 | Marka laga tago gobolladan cusub ee ay beel walba degmadeedii ka dhigatay Gobol sida gobollada Fardafuul, Biyo kulule, Maroodi jeex ama bacaad waraabshe, Soomaaliya waxay dowladii dhexe ku burburtay wadanka oo 18 Gobol ah, maantana waa 36 gobol.
Xaqiiqadu sida ay tahay maamulka Puntland hadii aan runta ka sheegno waxa hoos yimaada 2 gobol(Nugaal iyo Bari) iyo laba Degmo iyo Bar Mudug ka mid ah, 5ta gobol ee uu Cabdiweli Gaas sheegay waxay u jiraan magac ama dad ay hayb wadaagaan ayaa degaamo ku leh laakiin maamulka Puntland ma gaaro sida Sanaag iyo Sool ay u hoos tagaan Maamulka Somaliland waa sida xaqiiqadu tahay.

Dad igu hayb ah ayaa dhulkaa dega dood ugama dhigi karno maamulka ay hoos tagaan, haday sidaa tahay Galmudug iyo Shabeelle/Hiiraan waxaa dega dad isku hayb ah hadana isma sheegan karaan.

Tusaale: Galmudug laguma aasaasin Galguduud iyo Mudug iyo Degmada Matabaan ama Shabeelle/Hiiraan laguma dhisayo Hiiraan, Sh/dhexe iyo Ceeldheer sida uu ku doodayo Cabdiweli Gaas in Puntland ay tahay 5 gobol iyo Buuhoodle oo gobolka Togdheer ka mid ah.

Waxaa kale oo Tusaale kuugu filan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka tirsan xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo jeeda Somaliland iyadoo xaqiiqadu tahay in maamulka Villa Soomaaliya uusan dhulkaas ka arimin.

Sida uu Madaxwayne Xasan Sheekh sheegay Maamullada wadanka oo dhan sida Galmudug, Hiiraan/Shabeelle inay isu tagaan magacyana u baxsadaan gobolo wax ka hor taagan inaysan jirin ayaan aaminsanahay…Barbarkeey ka baxdaa waa Bakayle Qaleen…DAAWO HADALKA CABDIWELI GAAS OO MASUUL SHEEGANAYA KA CAAYTAMAY…IYO SIDUU XASAN SHEEKH U HADLAY…

Mustafa S Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment