4239 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qiray in sugida Amniga Muqdisho uu liito.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qiray in sugida Amniga Muqdisho uu liito.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 4, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa qiray in habacsanaan dhinaca amniga ah ay ka jirto magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inay hagar ku jirto qaabka sugida amniga oo dadka qaar ay ka mid yihiin kuwa la socdo falalka dhacaya.

Kulan xasaasi ahaa oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir la yeesheen qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Bartamaha Muqdisho ayaa looga hadlay sida wada shaqeyn u dhex mari karto Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha saldhigyada xaafadaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in Guddoomiyaha degmada, Kuxigeenkiisa, Laanta, Waaxda iyo Saldhiga aysan jirin wada shaqeyn dhab ah oo ka dhaxeysa, taas ayuu ku sababeeyay inay ka qeyb qaadaneyso habacsanaanta, una fududaynayso falalka amni xumada magaalada ka socota.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa caddeeyay in guddoomiyihii ka soo bixi waayo howshiisa, uu xilkiisa ku waayi doono, isla markaana laga eryi-doono shaqada uu hayo.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay inuu xiriir dhex maro Guddoomiyeyaasha degmooyinka deriska ah, isla markaana ay is weydaarsadaan xogaha, waxaana uu intaa ku daray hadii wada shaqeynta ay joogto noqoto ay meesha ka bixi doonto Amni-xumida.

Col. Bishaar Abshir Geeddi,taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ayaa qiray in aysan jirin wax wada shaqeyn ah oo u dhaxeysa Guddoomiyaha degmada iyo Taliyaha Saldhiga Booliska, isagoo xusay in qaladaadka jira ay ka mid tahay arrintaas.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxayay muddooyinkii u dambeeyay, iyadoo ay kordheen weerarada Al-Shabaab geysanayaan, taas oo ay ku wacantahay wada shaqayn la’anta ka jirta magaalada Muqdisho.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment