4248 Views

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo taageersan qoondada haweenka

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo taageersan qoondada haweenka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 4, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada oo wada jira.

Shirkaan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasxasan-jawari3ha qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go’aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa cadeeyay in ay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalkooda.

xasan-jawari1xasan-jawari2xasan-jawari5xasan-jawari4

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment