3891 Views

Cumar Cabdirashiid oo goor dhow ku dhawaaqay in uu yahay musharrax Madaxweyne

Cumar Cabdirashiid oo goor dhow ku dhawaaqay in uu yahay musharrax Madaxweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 5, 2016: Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu daqiiqado ka hor ku qabtay magaalada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaasoo uu u joogay olole ku aadan musharaxnimadiisa iyo taageero uu Beesha Caalamka kaga raadinayo.

Waxaa horay u jirtay hadal heyn ku aadan inuu yahay musharaxiinta ugu culus ee u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana uu loolan la geli doonaan Musharaxiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Cumar Cabdirashiid

Arrintaan ayaa dadka soo xusuusineysa doorashadii sanadkii 2012, xilligaas oo ay musharaxiin ahaayeen Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii waqtigaas Sheekh Shariif iyo C/wali Gaas.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment