3030 Views

Qarax ka dhashay gaari marayay Maka Al-Mukarama

Qarax ka dhashay gaari marayay Maka Al-Mukarama
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 5, 2016: Qarax ka dhashay gaari  marayay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, ayaa ka dhacay iyadoo gaariga uu soo gaaray bur bur xooggan, isla markaana uu gubtay.

 

Waraka na soo gaaray aya sheegayaan in gaariga qarxay lagu xiray waxyaabaha qarxa, gaar ahaan miinada leh Magnada ee baabuurta loogu dhejiyo qeybta hoose.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhashay gaariga wadada marayay, loona maleynayo in walxa qarxa meelo kale loogu soo xiray ee an la ogayn.

Col. Bishaar Abshir Geeddi taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in qaraxa aanu waxyeelo geysan ka baxsan gaariga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa gaariga lagu xiray uu lahaa nin Ganacsade ah oo lagu magacaabo Xuseen Jaamici, kaasoo ka bad baaday qaraxa ka dhashay gaarigiisa.

Gaariga ayaa qarxay xilli uu marayay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama, waxaana la sheegayaa inuu waxyeelo gaareen goobo ganacsi oo ku yiillay jida hareerahiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaasoo xiray wadada, waxaana halkaas ka socda baaritaano aad u adag oo ay wadaan Ciidamada.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment