3057 Views

Hoobiyeyaal ku soo dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Hoobiyeyaal ku soo dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 6, 2016: Hoobiyeyaal ayaa ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley, iyadoo la soo sheegayo in madaafiicda qaar ay geysatay khasaarooyin kala duwan oo an weli la cadayn.

Tiro afar hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay agagaarka Iskuulkii 15 May oo ku dhow Madaxtooyada, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen afar qof  oo rayid ah oo meesha ka dhawaa.

Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan degmada Wardhiigley, ayaa sheegay in mid ka mid ah madaafiicda uu ku dhacay guri ku dhow Dugsigii 15 May, ayna ku dhaawacmeen afar ruux oo isku qoys ahaa oo degganaa gurigaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda, ma ahan markii u horeysay ee madaafiic hoobiyeyaal ah lagu tuuro qeybo ka mid ah Muqdisho.

Ilaa hadda lama oga halka laga soo tuuray Madaafiicdan ku soo dhacay degmada Wardhiigley, iyadoo maanta Madaxtooyada uu ka furmay Shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee looga hadlaayay doorashada 2016.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment