3921 Views

Madaxweynaha oo furey Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka

Madaxweynaha oo furey Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 6 September 2016 (Villa Somalia) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran (Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada).

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkan uu muhimad gaar ah leeyahay, maadaama goor dhow si rasmi ah loo gudagalayo doorashada 2016.

“Shirkan waxaa uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran, ka hor intaan toos loo gudagelin doorashada taariikhiga ee Soomaaliya ka dhacaysa. Arrimo badan oo muhiim ah ayaa ina horyaalla inaan ka wadahadalno, sida amniga, maalgelinta doorashada iyo imkaaniyaadka kale ee fududeyn kara hawshan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Puntland, wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

madasha-2 madasha-4 madasha-1 madasha-3

.

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment