2880 Views

Qarax ay ku dhinteen saddax qof oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Qarax ay ku dhinteen saddax qof oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 6, 2016: Sida la sheegay,ugu yaraan saddex ruux oo ay ku jirto hooyo, gabadheeda iyo askari ka tirsanaa ciidamada dowlada ayaa ku dhintey kadib markii qarax uu ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo la sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen afar ruux iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada dowlada baaritaano ka sameeyay, dhacdada ka dib.

Cabdi kaamil Macallin Shukri, afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi kaamil Macallin Shukri ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda SONNA in 2 qof ee dhintay ay ahaayeen gabar iyo hooyadeed halka qof kale uu ahaa Askari ka tirsan Booliska dowladda.

“Waxaa dhacay qarax aan u malaynayno in uu yahay miino oo ka dhacay suuqa bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawda, wararka aan helnay waxaa ku dhintay gabar iyo hooyadeed iyo ninkaa askariga ahaa,”ayuu yiri afhayeenka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa bam gacmeed lagu tuuray askarigii ku dhintey qaraxa ayado looqasday in la dilo askarigaas.

Dhanka kale gaari ay saarnaayeen ciidamo ayaa la sheegay in ay miino kula qaraxday meel u dhexeysa magaalada Afgooye iyo Muqdisho, taas oo an faafin qasaraha ka dhashay.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxan balse waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga an kor ku soo xusnay.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment