3858 Views

Museveni oo ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka furmayo

Museveni oo ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka furmayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 7, 2016: Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda ayaa ka mid ah Madaxda la filayo inay ka qeyb galaan shir madaxeedka 53aad ee Urur Goboleedka IGAD, kaasoo todobaadka soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Muqdisho ayaa markii u horeysay marti gelin doonta shir caalami ah muddo 30 sano ah, iyadoo Warbaahinta Caalamka ay xilli ugu yeeri jireen Caasimada ugu khatarta badan Adduunka.

Shirka IGAD ee bishan ka dhacaya Muqdisho ayaa la filayaa in looga hadlo doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya bishan September iyo October, qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Koofurta Sudaniyo arrimo kale.

Madaxda kale ee la filayo inay Madaxweynaha Soomaaliya kala qeyb galaan shir madaxeedka IGAD ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Salva Kiir Madaxweynaha Koofurta Sudan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalgne, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Ismaaciil Cumar Geelaha Jabuuti.

“Waa markii ugu horeysay oo Muqdisho ama Soomaaliya lagu qabto shir heer sare ah muddo 30 sano ah, waxaan aragnaa inay tani fariin taariikhi ah u direyso Caalamka oo ah in Soomaaliya ay dib u soo laabatay”sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abdisalam Omer hadliye.

Mudane Hadliye ayaa soo daliishaday walaaca xaga ammaanka ee Kooxda Argagixisada Al-Shabaab, kuwaasoo horay weeraro ka fuliyay Soomaaliya iyo meel ka baxsan, sida dalalka Kenya iyo Uganda.

Ciidamo gaaraya 22,ooo oo nabad ilaalin ah oo ka socda dalalka deriska ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Kooxda Al-Shabaab, kaas oo weli ay soo afjari la’ayihiin.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment