4377 Views

Soomaalida Gobolka Tennessee Oo Guddi Sporti Dhistay +SAWIRRO

Soomaalida Gobolka Tennessee Oo Guddi Sporti Dhistay +SAWIRRO
____________________________________________________________________________

Tennessee | QOL | September 7, 2016 – Dalka Mareykanka ayaa waxaa looga dabaaldegay maalinta shaqaalaha taa oo lagu xurmeynaayo shaqaalaha weynaha dalkaani oo runtii ka mid ah kuwa ugu shaqada badan dadyowga ku nool addunkani,waxaana maalmahaasi la fasaxaa dhamaan inta shaqada ku mashquulsan si ay ugu naaloodaan fasaxaasi oo runta laga dareemaayo dhamaan goboladda uu ka koobanyahay dalkaan USA.

Guddiga Isboortiga ee Tennessee ayaa waxa ay qabanqaabiyeen tartamo isboorti oo lagu weyneynaayo maalintaasi,waxayna casuumad u fidiyeen Guddiga Isboortiga ee Atlanta iyo Ciyaartoy ka socota Magaaladda Atlanta oo isugu jira dhalinyaro da’ddodu u dhaxeyso 8sano-12sano iyo kuwa ay da’doodu ka weyntahay 14sano, kuwaa oo ciyaaro xiiso badan ay ku dhexmartay Ciyaartoyda ka socotay Gobolka Tennesse oo ay isku fil yihiin,waxaana daawashadda Ciyaartaasi ka soo qeyb galay dhamaan dadweynaha ku nool Magaalo madaxda Gobolka Tenneesee oo jilbeysan, waxaana halka soo buux dhaafiyey taageerayaasha Kooxdii Tennesse oo runtii halkaa ka muujiyey shucuur isboortinimo iyago dhiirigelin uu muujiyey kooxahooda madaama ay soo geliyeen waqti badan oo Tababar ah, waxaana koobabkii lagu loolamayey kuwada guuleystay Ciyaartoydii ka socotay Tenneessee.

Tennessee-7

Waxaana habeenkii halka lagu qabtay xaflad lagu bixinaayey Koobabkii,waxaana Xafladaasi goob joog ka ahaa Halyeeyo taarikh fog ku leh Isboortiga Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan kuwa oo kala ahaa Mudane Maxamed Xasan Qolof, Dr. Cali Cusmaan Cali, Cabdulqaadir Xasan Cadde (Caydiid Jeenyo), Cabdikariiim Cali Aar(Mataan) iyo dhalinyaro ay hiwaayadoodu tahay Isboortiga,waxaana halkaa la isku dhaafsaday khudbado kala duwan oo dhamaantood diiradda saaraayey horumarinta isboorti oo ay gaareen dhalinyaradaan reer Nashvile,taa oo dadkii oo dhan ay u khushuuceen,waxaana lagu bogaadiyey in ay labalaabaan dadaalka lagu hormarinaayo Isboortiga si dhaalanka soo koraayo looga badbaadiyo waxyaabaha mustaqbilkiisa wax u dhimayo,isla markaana ka qeyb qaadanaayo caafimaadkooda iyo baarbaarintooda, Waxa ugu dambeyntii halkaa looga dhawaaqay Guddiga Isboortiga ee Tennessee kuwaa oo kala ah.

  1. Cabdicasiis Axmed Mahdi……………………………….Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Horumarinta Farsamadda.
  2. Ismaaciil Yuusuf(Ciilow)……………………………………Gud Kuxigeenka 1aad
  3. Faysal Cali………………………………………………………Gud Kuxigeenka 2aad /Qasnajiga.
  4. Jaamac Aaden(Heneri)……………………………………..Xogyahaha guddiga
  5. Hanad Noor……………………………………………………..Xubin
  6. Axmed Absughe……………………………………………….Xubin
  7. Cabdifatax Sahal………………………………………………Xubin
  8. Cabdishakuur Cumar…………………………………………Xubin
  9. Karaama Zein…………………………………………………..Xubin.

Waxa khadka Teleefoonka wareysi meelo taabanaayo lala yeeshay Mudane Cabdicasiis Axmed Mahdi oo Gudoomiyaha Gudiga Isboortiga ee Tenneesse isla markaana madaxa horumarinta Farsamadda waxaana la yeeshay Wariye ZACIIMKA oo ka socday Raadiyaha Ciyaarahafm isagoo weydiiyey sida ay ugu suurtowday in ay dhaqsi ku gaaraan guushaan baaxadda leh isla markaana loo unko Guddi arrintaa u xilsaaran…..

Tennessee-12

Waxaana uu Gudoomiye Cabdicasiis uu sheegay in Guul aysan aheyn arrin si dhib yar loo gaari karo,waxay u baahantahay shaqo adag,waxay u baahantahay adkeysi xambaarsan dulqaad,dadaal dhan kastaba leh,waa in daraasad cilmiyeysan la sameeyaa.waxa kaloo aan laga maarmeynin in waqti loo huro iyo in aad ixtiraam iyo jaceyl aad u haysaa waxa aad qabaneyso,

Tennessee-2

C/Caiis Mahdi ayaa sidoo kale sheegey in Arrimahaasi oo dhanay fududeeyeen dhalinyaradda Guddiga oo si mutadawacnimo ah guntiga dhiisha isaga dhigay,iyago runtii hadafkooddu ahaa in loo hiiliyo dhalaanka Gobolkeyna ku nool,lagana weeciyo dariiqooyinka wax yeelan kara mustaqbalkooda

Ugu danbeysti ,waxaa uu u Mahadceliyay Guddiga oo runtii hirgelinta hawlahaan waqti badan geliyey,waxaana rajeyneynaa in aan halkaa ka si wadno madaana gudigeyna ay yihiin dhalinyaro firfircoon oo dabooli kara baahida ay bulshada qabaan,ugu dambeyntii waxaan halkaan mahadcelin u soo jeedinayaa dhamaan Jaaliyadda Magaaladda Nashvile oo garab iyo gaashaanba u ah hawlaha aan bulshadda u hayno,waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Halyeeyadda kala ah QOLOF, CALI CUSMAAN, CAYDIID oo runtii nagu garab istaagay fulinta hawshaan.

Ugu Dambeyntii waxa halkaa lagu daawaday MATAAN SHOW oo runti majaajilo aad u xiiso badan halkaa ku soo bandhigay.

.Tennessee-13 Tennessee-11 Tennessee-10 Tennessee-9 Tennessee-8 

Tennessee-14 Tennessee-6 Tennessee-5 Tennessee-4 Tennessee-3 Tennessee-1

.

.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment