Maqaalani oo cinwaankiisu kor ku xusan yahay waxaa lagu qoray wargeys bil walba mar ka soo bixi jiray magaaladda Rotterdam ee dalka Hollland oo la oran jiray Waarimeysid qeybtiisi 7aad ee bishii April 1997, uu qoray Dr. Dasuuqi, wuxuu na maalintaasi tilmaamay in arrimaha goboleysiga Federal system in laga fiirsado oo aan lagu deg degin , maxaa yeelay waa arrin u baahan aqoon iyo wacyi gelin fara badan isla markaasi na waxaa laga ma maarmaan ah in afti loo qaado arrintaasi Federal system ah ee ku cusub nidaamkani ummadda soomaaliyeed in ay raali ka yihiin iyo in kale hase yeeshee nasiib daro iyadoo aan afti la weydiin dadweynaha soomaaliyeed ayay dawladda qaadatay nidaamkaasi is maamul goboleyiga ku dhisam taasoo aan laga fiirsanin ilaa iyo maanta shacabka soomaaliyeed dastuurkii iyo nidaamkii lagu dhaqi lahaa aan weli cad cadeyn.
Maanta waxaan aragnaa in nidaamkaasi Federation qayb ka mid ah oo aan dhameystirneen dalka laga hirgeliyey laakiinse ay weli harsan yihiin shuruucdii lagu dhaqi lahaa ismaamul goboleysigaasi sidaasi darteed waxaa mar waliba loo baahan yahay inta aan arrin la hirgelin marka hore si fiican looga fiirsaddo in arrintaasi ay dadweynaha dan ugu jirto iyo in kale taladaan la ruugin waa lagu rafaadda.
Haddii aan si kooban u xuso wargeyska Waarimeysid waxaa la aasaasay 12 Luuliyo 1995kii aniga oo ah Abdulkadir Ali Bolay iyo saxibadeyda waxaan ku guuleysanay in aan bil walba hal mar aan ka soo saarno magaaladda Rotterdam, waxaana ugu tala galnay in aan ku wacyi gelino dadweynaha faraha badan ee ku nool magaalada Rotterdam iyo nawaaxigeydda isla markaasi aan ula socodsiino marxaladdaha dalka uu maraayo. Sannadkaani haddii ilaahay nafta noo dhaafo waxaan jeclahay aniga iyo asxaabteyda ku sugan magaaladda Muqdishu in warkeygskani Waarimeysid dib soo cusbooneysiyo oo aan ka soo saarno magaaladda Xamar bisha 12 Oktoober oo ku beegan maalintii calanka soomaaliyeed sidaasi darteed waxaan dadweynaha soomaaliyeed ka codsanayaa wixii talo ah in aay igu soo gudbiyaan sidaasi darteed waxaan dadweynaha soomaaliyeed ka codsanayaa wixii talo ah in aay igu soo gudbiyaan emailkeyga oo ah bollay@hotmail.com. Maqaalkii aan soo minguuriyey na waa sida tan hoos ku qoran
Nolashu waxay ina baraysaa haddii qof iska liqo cunto uusan si habboon isaga calaalin (ruugin) inuu halis u yahay inuu ku margado ama laga yaabo inuu sababo inuu hunguri mareenka u dilaaco halaas na noolashiisa halis ku gasho waxaa kale oo dhici karta inay gudubto cunnaddii, hase yeeshee dheefshiidku ku rafaado sidii cuntadasi u shiidi lahayd markaasi ay sababto calool canuun, shuban, mantag iyo dibbiro ku dhaco qofkaasi.Arrintaasi waxaa ka sii daran wixii ku lug leh afkaar iyo aragtiyo oo y laga ma maarmaan tahay in si fiican looga baaraan dego inta aan la qaadan maxaa yeelay waxay saamayn ku leedahay noolasha da’da nool iyo kuwa soo socda .
Waxa intaasoo idil ka sii daran oo ka wada khatarsan wixii taabanaya qaabka dawladnimo, siyaadeed ee la doonayo in lagu maamulo ummad oo dhan , sababtuna waxaa weeye si sahlan wax loogama baddeli karo waxaa ba laga yaabaa in isku day kasta oo taabanayaaqaab dhismeedka nidaamka dawladeed ee ummaddi leedahay uu keeni karo isku dhac, gacan ka hdal iyo dagaallo sokeeye.
Arrintaas waxaa markhati u ah dhacdooyinka murugada leh eek a dhacay Soomaaliya , Ruwaanda , Yuguslaafiyaddii hore , Jeejniya iyo Lubnaan.
Dhinca kale qaab dhismeedyadda dawladdaha yurubta galbeed iyo mareykanka dad fara badani ku ma qaanacsana , hase ahaatee laguma dhiiran karo in wax weyn laga badalo , tusaale ahaan haddii aan u soo qaadano dalka Talyaaniga wuxuu ku dhaqmaa nidaamka barlamaaniga ah ee awoodda fulinta ee ugu sareeyso siinaya Ra’iisal wasaaraha dhinaca doorashooyinka na waxuu ku dhaqmaa dalka Talyaaniga nidaamka afka qalad loo yaqaano (percentuale) ama in wax lagu kala helo ninba wuxuu helo , qaabkaasi wuxuu keenayaa inaan xisbina helin aqlabiyada uu kaligiisa ku soo dhisi karo dawlada ama xukuumada sidaasi darteed uu ku qasban yahay xisbigii hela codadka ugu badan inuu garabsado xisbiyada kale si ay u soo wada dhisaan dawlada wadaag ah oo ku lhe baarlamaanka dhexdiisa aqlabiyad u suurta gelinaysa inay fuliso barnaamijkeedda.
Sideedaba ma cimrido dawlada wadaag ah oo ku leh b aarlamaanka dhexdiisa aqlabiyada maxaa yeelay si sahlan ayay isu maandhaafi karaan ama isu khilaafi karaan xisbiyada isku bahaystay oo ku kala duwan aragtiyo badan .
Talyaanigu wuxuu u qaatay nidaamkaasi si uusan fursad u siinin inahy dib damb e uga dhalato xukumada keli talis ah, sidii tii fashiistadda ahady .
Runtii ahaantuu soomaaliya maanta waxay maraysaa meel aad halis u ah oo haddii aan laga fiirsan lagana baaraan deign afkaarta sabaynaysa ee kui saabsan qaab dhismeedka jamhuuriyadda saddexaad ama gabi ahaa aan wajiga ay yeelan doonto soomaaliya haddiiba laga samto baxo mashqadaa maanta lagu jiro .
Waxaa muuqata inuu raad weyn ku reebaqy qaabka loo fikiriyo dulmigi dhaqan dhaqaale, bulshaddeed iyo siyaaso ee uu baday taliskii hore ee kaligii taliska ahaa.
Laga soo bilaabo markii uu socday dagaaladii looga soo horjeeday taliskaaa ilaa iyo maanta isa soo taraya aragtida odhanaysa waa in wax weyn laga badadalaa qaabkii taliskii hore uu dalka u maamuli jiray .
Waxaa ay aniga ila tahay taasi inay lama huraan tahay balse ay waajib tahay waxaan lagta yaabaa inay aqlabiyadda soomaliyeed sidaas qabto hase yeeshee waxaan la isla fahmin weli muxuu ku qaladanaa taliskii hore oo aynu isku tuurany ???
Nasiib daro dad badani waxay u qaateen in caddaladii luntay lagu soo dabaali karo in la qaato nidaamka ismaamul goboleedka ah (Federation) si gobol walba iskiin si u maamulo isla markaasi dawladda dhex oo goboladd oo dhan ka dhaxaysa la dhisto fikaradaan gobolaysiga ahi waxay salka ku haysaa qabyaalad iyo kala irdhow qabyaaladeed oo hore leh
Dadka fikradaasi qabana waxay la tahay in gobol walbaa caddadaalad iyo sinaan helaayo haddii dad uu dhashay goboloka ay maamulkiisa hantaan, hase yeeshee waxaa isweydiin mudan ma la hubaa inay arrintu sidaasi noqondoonto ??? , Maxaa daliil u ah oo loo haya ??, ma la iska ruugay taladdaasi oo si fiican ma looga baaran degay waxaa su’aal meesha taala
Aniga shaqsi ahaan waxaan qabaa fikrada taasi ka duwan oo ku dhisan caqli iyo tajribo cad cad ah, ugu horeyntii ma jiro wax ballan qaadi kara in qofka u dhashay gobolkacaddaalad badnaan karo qof ka dibadda ka ah gobolka eek u kac xaq darro iyo xumaan , kuwa reebay gobolka dhexdiisa . Laakiinse haddii maamulihii u dhashay gobolak noqdo nacas aan naxriis lahayn , kuna abuuro gobolka dhexdiisa qabyaalad qoyseed, sow musiibo ma ah!!!
Haddii la isku dayo in wax laga qabto sow ma dhici karto inay halkaasi ka qaraxdo dirir iyo dagaal sokeeye oo gobol ka dhexdiisa ah . Tusaale ahaan waxaa inoogu filan xaaladaha ay ku sugan yihiin Xamar , Hargeysa , iyo Kismaayo .
Dhicana kale waxaan baryahaan dambe aan maqalaynaa ereyo laatiin ah oo ay ka mid yihiin Federal system , confederal system , decentralisation iyo consociation, isku soo wada duub erayadaasi waxay ku qotomaan micno qoto dheer, soomaalida badankeedu na iyaga oo aan ka sal gaarin ayay isaga hadaaqaan.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoralkeygani Taladaan la ruugin waa lagu rafaadda waa in boqol jeer laga fiirsadda talaabo kasta oo ku xiran masiirka dalka iyo dadka soomaaliyeed, si aan berito loo oranin sidaasi ma moodeyn in arritaasi sidaasi noqoneyso, waxaa waajib ina saran ah in aan boqol jeer ka fiirsano waxyaalaha iyo afkaarta shisheeye iyo kuwa dulaaliintu inagu dhex wadaan.
Waxaan halkani baaq ugu dirayaa dhamaanta dhallinyaradda soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan in ay mar waliba hal hees ka dhigtaan baaqii dhaxal galka ahaa ee ururkii dhallinyaradda soomaaliyeed ee SYL in la helo soomaaliy weyn oo mideysan , waxaana dawladda iyo dadweynaha soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si xoogan uga fiirsadaan nidaamkani cusub ee federal system ka ah oo u baahan wacyi gelin fara badan iyo aqoon lagu maamulo waxana ku tallin lahaa in afti guud la weydiiyo shacabka soomaaliyeed in ay raali ka yihin nidaamka ni ismaamul goboleysiga ah iyo in kale.
.
.
Wabillahi Towfiiq
Dr. Ibrahim Dasuuqi
___________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________