4293 Views

Yuusuf Dabageed oo ka soo horjeestay Shirka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Yuusuf Dabageed oo ka soo horjeestay Shirka Hiiraan iyo Sh/dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 7, 2016: Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo shirka laga furayo magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Dabageed ayaa hadalkan sheegay, kadib markii uu maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyn, isagoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Dabageed ayaa ku macneeyay sababta uu ugaga soo horjeedo inay tahay in aan wax wadatashi ah lagala sameyn qorshaha la doonayo in dib loogu bilaabo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa uu sheegay in meel ka baxsan gobolka Hiiraan aan lagu sameyn karin doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Qayladaan ka soo yeertay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaysa  xilli uu shalay soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh wareegto qodobadeedu ay ka mid ahaayeen in aan xil ka qaadis iyo magacaabisba aysan sameyn karin madaxda dowlada illaa ay ka dhacayso doorashada dalka.

Waxaa soo kordhaya ka soo horjeedista shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan balse waxaa laga sugayaa qorshihii ugu dambeeyay shirka madasha wadatashiga ee magaalada Muqdisho ka socda.

Odayaasha dhaqanka ee uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa horay uga soo hor-jeestay shirka Jowhar, waxaana ay ka digeen qorshayaasha IGAD ku dooneyso in Maamul aan raalli laga aheyn ku dhisto.

IGAD ayaa dhowaan soo bandhigtay qariirad ku aadan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyadoo qorshuhu yahay in maamulka la dhiso ka hor doorashada, sida ku cad qodobadii bishii hore ka soo baxay Shirkii Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment