3249 Views

Diyaarad Qaad Sida oo maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

Diyaarad Qaad Sida oo maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 8, 2016: Diyaarad Qaad sida oo ka timid dalka Kenya ayaa maanta ka degtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kadib markii shalay aanay wax diyaarad ah Qaad sida ka degin garoonka.

Dadka ka ganacsada Qaadka ayaa bilaabay inay u dabaal dagaan qaadka la keenay, waxaana la sheegayaa inay hawada ku soo jiraan diyaarado kale oo ayagana qaad u wada Puntland.

Wariye ku sugan gaalkacyo ayaa sheegaya in shalay magaalada oo dhan laga dareemay Qaad, hase ahaatee saaka oo Khamiis ah ay dadku mar qura ku farxeen warka ah in diyaarad Qaad sida ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Garowe ayaa shalay ka heshay Qaad uga yimid dhinaca Laascaanood oo diyaarado qaad sida ay ka dageen.

Maamulka Puntland ayaa horay uga soo hor-jeestay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku joojisay Qaadka, waxaana ay ku tilmaamtay in aanu khuseyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa isniintii sheegtay inay si KMG u joojisay duulimaadyadii Qaadka ee imaan jiray Soomaaliya, iyadoo xustay in go’aankan uu yahay mid ka dhaqan galayo dhamaan magaalooyinka dalka, balse taasi waxa ay noqotay wax kama jiraan.

Dadka ayaa is waydiinayaa in Puntalnd ka mid tahay Dowlada Federalka ah, iyo in ay tahay gobol gaar u taagan oo an wax la wadaagin Soomaaliya.Oday Soomaali ah ayaa marki arrintaan loo sheegay yiri: ” NIN BUKOOW BOQOLI KUU TALISAY.” Soomaalia waxa ay noqotay sidi qof xanuunsan; qof waa uu gubayaa, qof wuu toobayaa, qof kalena Dawo an Dhaqtar u qorin, ayuu cunsiinayaa.

Oday Soomaali ah ayaa marki arrintaan loo sheegay yiri: ” NIN BUKOOW BOQOLI KUU TALISAY.” Soomaalia waxa ay noqotay sidi qof xanuunsan; qof waa uu gubayaa, qof wuu toobayaa, qof kalena Dawo an Dhaqtar u qorin, ayuu cunsiinayaa.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment