3771 Views

Hoobiyeyaal lagu weeraray Xarunta Xalane

Hoobiyeyaal lagu weeraray Xarunta Xalane
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 8, 2016: Madaafiic hoobiyeyaal ee laga riday inta u dhaxeysa Iskuulkii Jabuuti iyo Gurigii Somali Airline ee degmada Wadajir, ayaa la sheegay in lagu weeraray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidamada AMISOM.

Goob joogayaal ah ayaa sheegay in kook wadatay gaari kuwa raaxadva ayaa illaa saddex Hoobiye u riday jihada ku aadan Xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha Adan Cade.

Warar an helnay ayaa sheegaya in mid ka mid ah xabada hoobiyeyaasha oo u dhici waayay ay goobta uga carareen, balse waxaa la sheegay in illaa labo hoobiye ay u rideen dhinaca Xalane ku aqadan.

Hal qof oo dumar ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay hoobiyeyaasha oo la sheegay inay ku dhaceen agagaarka xarunta an kor ku soo xusnay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halka laga riday madaafiicda ayaa goobta ka qaaday xabadii hoobiyaha ee u dhici weysay oo dadki falka gaystay ay uga carareen.

Maalin ka hor ayay aheyd markii madaafiic ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada ay ku dhaawacmeen afar ruux oo rayid ah.

Ma jirto wax faah-faahin ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan Hoobiyeyaasha lagu weeraray Xarunta Xalane, waxaana madaafiicda laga dhex tuuray agagaarka Buulo Xuubey uu su’aal ka dhalatay sida ay u suura gashay in maalin cad madaafiic laga rido meel 1KM ka yar u jirta Garoonka diyaaradahaee Adan Cade. Waa arin dadku ay la yaabanyihiin.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment