4584 Views

Musharaxiinta oo sabab u noqday xirnaanshaha Waddooyinka Muqdisho

Musharaxiinta oo sabab u noqday xirnaanshaha Waddooyinka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 9, 2016: Musharaxiinta iyo xubnaha Xisbiyada siyaasada ayaa saameyn aad u xun ku yeeshay sababna u noqday xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho oo maanta meelo badan laga xiray

Ciidamada ayaa maanta oo jimco ah xiray waddooyin dhowr ah, taasoo saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka, sababtana waa yeeshay Musharaxiinta iyo axsaabtooda.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka mid aheyd goobaha xirnaa, Isgoyska KM4 illaa Isgoyska Zoope ayaa iyana xirneyd, waxaa kaloo maanta wax gaadiid ah galeyn wadada aada garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa iyana xirneyd qeybo ka mid ah wadada Wadnaha oo dadka iyo gaadiidka laga celinayay meelo qaar.

Ciidamada ayaa gaadiidka ka celinayay meelo badan, waxaana inkastoo maanta jimco aheyd dadkana ay ka nasanayeen shaqooyinka la dareemin wax culeys ah, hadana saameynta ugu badan waxaa uu ku yeeshay Musharaxiinta mucaaradka.Sawirro la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinayay Musharaxiinta oo lugeynaya inta u dhaxeysa Hotelka Jaziira iyo KM4, dadka ayaa siyaabo kala duwan u hadal hayay arrintan.

Dadka qaar ayaa sheegay in Musharaxiinta ay yihiin Hogaamiye Kooxeedyo soo dhar badashay, rabaanna in jidadka loo xiro si ay isu muujiyaan. Kama aysan fikirin in wadooyinka xiran ay dhibaato fara badan u keeni karaan bulshada adeegan lahayd. Islaan wayeel ah ayaa tiri: ” Kuwaan hadii la doorto, dad badan ayaa qadayo ee Allah naga duwo.”

Sawirro la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinayay Musharaxiinta oo lugeynaya inta u dhaxeysa Hotelka Jaziira iyo KM4, dadka ayaa siyaabo kala duwan u hadal hayay arrintan, syaabo badanna u macneeyay.

Musharaxiinta oo maanta kulan ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa ku midoobay Isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxda waqtigooda dhamaadka yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada tallaabooyin dhinaca ammaanka, kaasoo ujeedkiisa yahay in lagu sugo amniga Shir madaxeedka IGAD oo lagu wado in todobaadka soo socda ka furmo magaalada Muqdisho, ka dib marku maalmo dib u dhacay.

.

.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment