3651 Views

Sarkaal ka tirsan Milateriga oo lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan Milateriga oo lagu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 9, 2016: Nin sarkaal ah oo ka tirsan ciidamada milateriga ayaa xalay lagu dilay Xaafada agagaarka Ex Koontarool Afgooye, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan falkaas.

Sarkaalkan oo lagu magacaabayay Col. Geesey Cali Indhool, ayaa ahaa Taliye Urur ka tirsanaa Guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka, kana howl galayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in si kama’a ah ay xabad ugu dhacday, waxaana dilkaas ka dambeeyay nin ay xidid ahaayeen oo ilaalo u ahaa Sarkaalka, lana socda in muda ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii dilka ka dambeeyay, isla markaana ay socdaan baaritaano ku aadan dilka iyo dhibka uu gaystay.

Dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale u dhacday in askarta ilaalada u ah saraakiisha ciidanka inay dilaan ama rasaas kaga fakata, taas oo an xal laga gaarin.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment