6102 Views

Somaliland oo xubin ku yeelatay hogaamiyayaasha madasha Qaran

Somaliland oo xubin ku yeelatay hogaamiyayaasha madasha Qaran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 9, 2016 – Maaxda madasha qaran aya ka dib cadaadis uga yimid besha caalamka waxay isla qaateen in masuuliyiinta lagu kordhiyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xakuumada Maxamed Cumar Carte Qaalib oo u matali doono maamulka Somaliland madasha qaran .

Waxaana shirku sii galayaa maalmo kale oo ismari waa ka jiro madasha dhaxdeeda.

Ismariwagan ka jira shirka madasha qaran ayaa waxaa ka mid ah qaabka loo qeybsan lahaa kuraasta Aqalka Sare iyo saamiga gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Madaxwewynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa si weyn u diidan xubno aqalka sare horey loogu kordhiyey Puntland, isagoo sheegay in taasi aysan suuragal aheyn, haddii ay dhaceysana ay tahay in maamulada kale ee cabanaya wax loogu daro.

Dhinaca kale, C/wali Gaas ayaa isna ku gacan seyray talo soo jeedin ka timid Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan oo aheyd in arinta aqalka sare guud ahaan meel la iska dhigo maadaama uu isqabqabsigeedu batay, loona daayo dowlada soo socota.

Xubnaha ka saoo jeeda Somaliland ayaa iyaguna weli diidan xubno horey laga jaray, iyagoo dalbanaya in dib loogu soo celiyo, sidoo kale xubnaha aqalka sare uu ku yeelanayo gobolka Banaadir ayaa dood adag ay ka taagan tahay, horey labo xubnood ayaa loo siiyey hase ahaatee weli waxaa jira saluug arintaas laga muujinayo.

Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska ee maamulka Galmudug, Maxamed Maxamuud Guure ayaa sheegay in qodobada ugu waaweyn ee shirka la isku mari la’ayahay ay ka mid yihiin sida loo qeybsanayo aqalka sare.

“Sida horey loo ogaaba Waxaa aqalka sare sida loo qeybsanayo halbeeg looga dhigay maamul goboleedyada, muranku waxaa uu ka taagan yahay habka loo qeybsaday oo maamulada qaarkood loo badiyey sida Puntland, waxaana arintaas ka doodaya maamulada kale oo saluugsan tirooyinka la siiyey” ayuu yiri Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska ee maamulka Galmudug.

Maxamed Maxamuud Guure ayaa sheegay in la isku barbar wado dhowr fikradood oo midkoodna aan weli la isku raacin kuwaasoo ay ka mid yihiin, in xubnaha cabanaya wax loogu daro, in aqalka sare lagu celiyo 54 xubnood ee markii ugu horeysay lagu heshiiyey, lana baabi’iyo afar xubnood oo shirarkii ugu dambeeyey lagu soo kordhiyey iyo fikrado kale oo uu sheegay inaan weli midkoodna la isku afgaran.

Waxaa la filayaa in kulamada madaxda madashu ay sii socdaan illaa beri, waxaana jira warar sheegaya nin laga doodayo qodob cusub oo ah cida maamuleysa hantida iyo qalabka Qaranka maadaama madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ay noqdeen musharaxiin u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment