3345 Views

Madaxweynaha Sudan oo loo malaynayo in uusan iman Muqdisho.

Madaxweynaha Sudan oo loo malaynayo in uusan iman Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 10, 2016: Cumar Xasan Albashir Madaxweynaha dalka Sudan, ayay u badan tahay inuusan ka soo qeybgalin shirka madaxda wadamada ku bahoobay IGAD ee magaalada Muqdisho kaasoo la filayo in uu maalmo dhow ka dhaco Muqdisho.

Shirkan oo hogaamiyaasha ka soo qeybgalaya ay ka mid yihiin madaxweynaha Rwanda Kegame,Kenyattaha dalka Kenya, Guuleedka Jabuti ayaa ka wadahadli doona sidii la isaga kaashan lahaa amaan darida ka soo cusboonaaneysa wadamada Afrika gaar ahaan kuwa loo yaqaaan Bariga Afrika.

Sida laga soo xigtey sarkaal ka tirsan dowlada Sudan oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in Bashir oo ay dooneyso maxkamada Caalamiga ah ee ICC ay dhici karto in uu ka baaqdo ka soo qeybgalka shirka maadaama dowlada Maraykanka ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ku xigeenka Mr Bashir uu ka qeybgali doono shirweynaha Muqdisho.

Dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa hore isaga dhega tiray amarada Maxkamada Caalamiga ah ee ah soo xirida Hogaamiyaha dalka Sudan hase yeeshee waxaa laga baqayaa inaysan awood u lahayn howshaas.

Tan iyo markii la soo saaray xariga ICC safarada uu Madaxweyne Bashir ku tegey ayaa waxaa ka  mid ah Sacudi Carabiya iyo Masar.

Wadamada xubnaha ka ah ururka ICC ee uu booqday Madaxweyne Bashir ayaa waxaa kamid ah dalka Koofur Afrika oo uu booqday sanadkii 2013kii.

Ilaa hadda la oga in baqashada Al-Bashiir ay tahay mid dhab ah iyo in kale.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment