4374 Views

Dowladda Soomaaliya oo isu diyaarisay soo dhoweynta madaxda IGAD

Dowladda Soomaaliya oo isu diyaarisay soo dhoweynta madaxda IGAD
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 12, 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa diyargrow ugu jirta marti gelinta shir madaxeedka IGAD, kaasoo lagu wado in maalinta berri oo Talaado ah, kuna beegan 13-ka September uu ka dhaco magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow Xirada Xale.

Guddiyo kala duwan oo isugu jira hab maamuuska shirka, soo dhoweynta Madaxda iyo Amniga ayaa la sameeyay, kuwaasoo isugu jira dowladda Federaalka,  AMISOM iyo IGAD.

Ammaanka Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo dhamaan waddooyinka la dhigay ciidamo, waxaa la xiray wadada Maka Al-Mukarama oo aanay wax gaadiidka ah loo ogoleyn ila shirka laga xiro.

Boorar badan oo lagu xayaysiinayo shirka madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka dhici doona ayaa lagu dhajiyay wadada Maka Al-Mukarama illaa garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale, waxaa hoolka uu shirka ka dhici doono la suray calanka 7 dal ee ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirka la guddoomin doona Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Shirka IGAD, ayaa noqonayaa kii u horeeyay ee Caalami ah oo ka dhaca Muqdisho tan iyo sanadkii 1974 oo markii u horeysay Muqdisho uu ka dhacay shir madaxeedkii Midowga Afrika, berigaas oo Soomaaliya madax bannaaneed.

Madaxda IGAD ee lagu wado inay shirka ka soo qeyb galaan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Uganda, Kenya, Jabuuti, K/Sudan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Sudan, ayaa si rasmi ah loo ogeyn inuu shirka ka soo qeyb geli doono iyo in kale, iyadoo warar ay qoreen Warbaahinta ay sheegayeen in laga yaabo inuu ka baaqdo shirka Muqdsiho.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay inay dhameystireen dhamaan hab maamuuskii looga baahnaa ee shir Caalami, waxaana shirka uu yahay mid hal maalin ah, madaxda ay dib ugu laaban doonaan dalalkooda.

Shirka ayaa ka dhici doona Hotel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xerada Xalane, halkaasoo ammaankiisa ay la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo ciidamo kale oo si gaar ah u taba-baran..

qaban-qaaboqaban-qaabo2

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment