4578 Views

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 September 2016 (Villa Somalia) — Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

‘’Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida kulan madaxeedkan IGAD, waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan in dalkeena uu dib u soo ceshto sumcaddii iyo sharaftii uu ku lahaa beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

,

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment