4971 Views

Xeelad cusub oo lagu maray wadooyinka xirnaa ee Magaalada Muqdisho

Xeelad cusub oo lagu maray wadooyinka xirnaa ee Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 13, 2016 –

Xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyey ayaa sababatay in dad iyo gaadiidka wadooyinka loo diido in ay maraan oo ay gabi ahaanba xiran yihiin iyada oo dowladu diiday in wax dhaqdhaqaaq ah laga sameeyo .

Waxaana wadooyinka maraya oo kaliye daadiidka dagaalka iyo kuwa masuuliyiinta dowlada iyo Ciidamada Ka qeybqadanaya howlada ay wataan waxaana la waayey wado loo ogol yahay in ay maraan shacabka ku sugan magaalada Muqdisho  oo ay ku jiraan jid cadayaasha iyo isgoysyada  xaafada gala amaanka oo la adkeeyey darted.

Waxaana ku sugan ciidamada dowlada qeybahooda kala duwan  oo aad u hubeysan kuwaas oo is hortaag ku sameynaya shacabka in ay maraan wadooyinka .

Xanibaadaan ayeysan  ka hadlin laamaha amaanka iyo madaxda sare ee dowlada marka laga reebo wasaarada aminiga iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo bulshada Muqdisho ka ugu baaqay in ay u dulqaataan inta u u socdo shirka IGAD xirnaashiyada wadooyinka oo uu sheegay in lagu sugayo amaanka madaxda ka qeybgaleysa shirka wadamada uru goboleydka IGAD ee Muqdisho ka furmay.

Taliyaasha cidamada Bolice-ka dowlada Somaliya ayaa gaaf wareegaya wadooyinka ciidamadu ka howlgalayaan waxaana jira isku dayo shacabku ku doonayaan in ay xaafadahooda ugu lugeeyaan waxayna dantu ku qasabtay in ay farsamo cusub la yimaadaan.

Koox cusub oo isku fikir ah ayaa bilaabay kuna guuleystay in ay si xeeladeysan u maraan dhowr jidgooyo oo ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka sugayey waxana u muuqdeen kuwa matalay qaababka digri. Bananbax. ama ciyaartoyda hidaha iyo dhaqanka waxayna ku dhawaaqayeen Muqdisho dareemanaaw iyo ereya kale oo soo jiidasho leh haye yeeshee xili danbe ayey ciidamadu ka biyo diideen sheekada jid marista cusub ah oo fasdhil ku dhamaatay ciidamaduna waa diideen in ay halkaasi dhaafaan.

Xasan Sheikh Maxmauud ayaa shir Mugdisho ugu furay madaxda wadamada IAG oo ay ka maqanyin madxweynayasha wadamada Suudaan Cumar Xasan Albashiir  iyo Madaweynaha Djabouti Ismaaciil Cumar geele .

.

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment