3261 Views

Siilaanyo oo ka carooday War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD

Siilaanyo oo ka carooday War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 14, 2016: Axmed Maxamed Siilaanyo, Madaxweynaha Somaliland, ayaa cambaareeyay war murtiyeedkii ka soo baxay Shir Madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay inuu meel ka dhac qaawan ku yahay madax banaanida iyo rabitaanka shacabka Somaliland oo an weli la isku raacsanayn.

Siilaanyo, ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay shirka Madaxda IGAD ee lagu qabtay Muqdisho, waxaana uu tilmaamay inay u arkaan tallaabo geesinimo leh ee horay loo qaaday.

“Dowladda Somaliland waxay soo dhoweyneysaa dadaalka beesha Caalamka ugu jirto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, isla markaana loogu dhisi lahaa dowlad adag oo hanata xilka iyo mas’uuliyada saaran, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano, gacan weyna ka geysano dadaalada nabada iyo dib u heshiisiinta dadka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya”ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo, oo ka jawaabayay qodob ka mid ah War murtiyeedka ka soo baxay shirkaas ee ka hadlayay  midnimada Soomaaliya ayuu si kulul u cambaareeyay asagoo oo caraysan.

“Waxaan cambaareyneynaa war murtiyeedka ka soo baxay shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan qodobka ka hadlaya midnimada Soomaaliya, waxaan u aragnaa mid la majara-habaabiyay oo aan ka turjumeyn xaqiiqda dhabta ah ee xaalada Soomaaliya iyo Somaliland ka jirta, waxaan Caalamka u cadeyneynaa in Somaliland tahay dal madax banaan oo aan ka mid aheyn maamul goboleedyada ku midoobay nidaamka Federaalka ee dowladda Soomaaliya ee looga taliyo Muqdisho”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Mudane Siilaanyo wuxuu sheegay in Somaliland aanay qeyb ka aheyn Maamul goboleedyada Federaalka, isagoo xusay in taasi ay maag iyo meel ka dhac qaawan ku tahay Somaliland, isla markaana Maamulka Somaliland ay soo doorteen shacabkooda, kuna yimaadeen doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay Urur Goboleedka IGAD in qadiyada Somaliland ay miiska keenaan, isla markaana lagu daro ajandayaasha shirka soo socda.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Midowga Afrika inay u soo diraan Somaliland Guddi xaqiiq raadin ah, kuwaasoo ka gun-gaara rabitaanka shacabka Somaliland iyo madax bananaidooda.

Siilaanyo waxaa uu ugu baaqay shacabka Somaliland inay hal meel uga soo wada jeestaan ilaalinta Qaranimadooda, rabitaankoodana ku muujiyaan cod dheer iyo cudud mideysan si an kale loogu xad gudin xurriyadooda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

.

.

.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment