4131 Views

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka baxay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka baxay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 15, 2016: Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah howl galka AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa saaka waabarigii hore isaga baxay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo muddo sanad ka badan ay saldhig ku lahaayeen, waa sidaas oo an la ogayn sababta keentay ka bixitaanka.

Dad ka mid ah, deegaanka ayaa sheegaya inay ku waabariisteen gaadiidka gaashaaman oo ka sii baxaya magaalada, una jiheystay dhanka degmada Maxaas.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Moqokori, saacad kadib markii ay isaga baxeen ciidanka Itoobiya goobti ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan isaga baxay deegaanka Bud-bud ee gobolka Galgaduud oo u aheyd saldhig weyn.

Lama oga ujeedka ay uga baxeen, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay Ciidamada Itoobiya faarujiyeen deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan, mana ah marki ugu horreysay oo ay ka baxaan meelo ay saldhigyo ku lahayeen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment