3249 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar dhow lagu soo dhoweeyay magaalada Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar dhow lagu soo dhoweeyay magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 15, 2016: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe kadib markii safar shalay uu ku tegi lahaa magaalada uu dib u dhac ku yimid sababta oo ah Shirki Madasha.

Wafdiga, ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo ku yaal duleedka Waqoyi ee magaalada halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyin magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa durba bilaabay kulan uu la qaadanayo maamulka gobolka Sh/dhexe iyo duubabka dhaqanka waxaana lagu wadaa in goor dhow uu qudbad kajeediyo hoolka shirka ee magaalada Jowhar, halkaas oo ka dib loo maleeyo in uu Mudisho dib ugu soo laabto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment