4110 Views

Colaada Marka iyo ciddii ka dambaysay

Colaada Marka iyo ciddii ka dambaysay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 17, 2016:  Xasan Cumar Macallin,Guddoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose,ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed, ku eedeeyay dhibaatada ka jirta Gobolkaas iyo magaalada Xarunta u ah ee Marka.

Xasan Cumar Macallin ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta kaleba aysan xiriir la lahayn maamulka Magaalada Marka islamarkaana ay sheedda ka eeganayaa dhibaatada ka jirta Magaaladaas.

Guddoomiyaha,ayaa sheegay in Wasaaraddu aanay xil iska saarin joojinta dagaallada beelaha ee ka dhaca magaalada sidoo kalena ay magaalada iyo gobolka intiisa kaleba ku badanayaan amni darrada waxna aysan ka qaban Wasaaradda.

Xasan, Wasaaradda waxaa uu ku dhaliilay in aysan fulin ballamihii ay horay u qaadday oo ay ka mid ahayd in Ciidan gaar ah oo xaqiijiya amniga la geeyo magaalada Marka oo ay ku bateen dagaallada sokeeye iyo dilalka qorsheysan ee joogtada ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment