4302 Views

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridey qaar ka tirsanaa ururka IS

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridey qaar ka tirsanaa ururka IS
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 17, 2016: Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Bay ayaa ku xukuntay xukun xarig ah rag lagu helay dambiyo ah inay ka tirsanaayeen ururka Daacish loo yaqaan.

Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed,Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Lixdanaad, ayaa ku dhawaaqay xukun ah midkiiba toban sano oo xabsi ciidan ah.

Ragga la xukumay ayaa gaaraya ilaa iyo afar ruux  waxaana lagu kala magacaabaa, 1-C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyey in kooxda Daacish ay usoo wakiilatay magaalada Baydhabo.

2-Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka kooxda daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.

Labada ruux ee kale ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheakh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyey in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso magaalada baydhabo.

Maxkamadda ayaa fasaxday ilaa iyo sadex ruux oo kale oo lagu eedeeyey iney xiriir la lahaayeen  kooxda daacish, balse baaritaan kadib la ogaaday inaaney ku lug laheyn falkaasi.

Waa markii ugu horeysay maxkamada ciidamada qalabka sida ee qeybta lixdamaad ay xukuno ku riday rag loo haysto inay ka tirsan yihiin ururka la magac baxay Daacish.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment