4122 Views

Warar ka soo baxay Weerarkii Is-qarxinta ahaa ee lagu dilay Jen. Goobaale

Warar ka soo baxay Weerarkii Is-qarxinta ahaa ee lagu dilay Jen. Goobaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 18, 2016: Warar fah-faahin ah ayaa ka soo baxaya weerar is qarxin ah oo maanta duhurkii lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale.

Qaraxaan oo uu fuliyay ruux naftii hure ah oo kaxeyanayay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay ayaa lagu dhiftay gaari uu la socday Taliyaha Guutada saddexaad, meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Hodan ee Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga fuliyay weerarka is qarxinta ay rasaas ku rideen ilaalada saarneyd Gaariga uu la socday Taliyaha, iyadoo uu dhinac ugu dhiftay, kadibna qarxay qarxay.

Wararka ayaa sheegaya in lix ka mid ah Ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa, iyadoo la soo sheegayo in dad rayid kale ay jiraan oo wax ka soo gaaray qaraxa, kuwaasoo wadada marayay marka falka dhacaayay.

Gaariga fuliyay qaraxa ayaa gebi ahaanba bur buray, waxaana gaarigii kale ee uu taliyaha la socdayna isna uu qeyb ka mid ah waxyeelo ka gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka is-miidaaminta ee lagu dilay Jen. Goobaale, sida ay baahisay Idaacada Al-andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab.

Allaha u naxariistee Jen. Goobaale ayaa hoggaaminayay howl gallo dhowr ahaa oo Al-Shabaab looga saaray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo Guutada 3aad ee uu Taliyaha u ahaa ka howl galeysay in mudo ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment