3237 Views

“Dowladda Soomaaliyeed marnaba kama tanaasuleyso hal taako oo ka mid ah Baddeena in la qaato”

“Dowladda Soomaaliyeed marnaba kama tanaasuleyso hal taako oo ka mid ah Baddeena in la qaato”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 19, 2016: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay marnaba ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah Badda Soomaaliyeed in la qaato, iyadoo maanta oo isniin ah Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda magaalada Hague ka bilaaban doonto dhageysiga Dacwada u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxwene Xasan Sheekh ayaa sheegay kalsooni badan ku qabaan inay guuleysanayaan, isagoo u xaqiijiyay shacabka Soomaaliyeed in badda ay tahay hanti qaran oo aan marnaba gor-gortan geli doonin sidedaba.

“Waxaa Maanta bilaabaneysa dacwadii Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas kooxda sharci yaqaanada Soomaaliya Maxkamadda ayay tagayaan, waxaa rabnaa muhiimada dacwada inay badda iyo dhulka biyaha ay Soomaaliya leedahay, hal mitirna aan looga tanaasuli doonin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale uu sheegay in markii hore dowladda Kenya arrintan wada hadal ka galeen, balse markii  wada hadalka la isla keeni waayay ay noqotay in Maxkamad la aado, isla markaana si la mid ah sida qawaaniinta caalamiga ay doonayaan inay ku soo dhacsadaan sida uu yiri.

Madaxweynaha ayaa mar labaad ku celiyay inay difaaci doonaan Badda Soomaaliyeed, isla markaana ku doodayaan wixii dadka Soomaaliyeed xaqa u lahaayeen, iyadoo aanay cid kale la dulmineyn ama an lagu xad gudbin.

“Anaga iyi Kenya deris ayaa nahay, wax cilaaqaad xumo nagama dhaxeeyo, biyaha anaga ayaa is ka leh, waa Baddeena, waana difaaci doonaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha oo muuqaal la soo geliyay Bartiisa Facebook kaga hadlay Dacwada Badda ee maanta ka bilaabaneysa Maxkamadda Hague.

Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa habeen hore sagootiyay Guddiga goob jooga ka noqonaya Dacwadda Badda, isagoo kula dar daarmay inay dooda iyo dacwada Badda ay noqdaan kuwo mira dhala xaqana muujiya.

Dhageysiga Maxkamadda ayaa maanta bilaabaneysa oo ah 19-ka September, waxaana ay socon doontaa illaa 23-ka bisha oo ku beegan maalinta jimcaha soo socota.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment