3648 Views

Madaxweynaha: “Marxuum Goobaale waxaa uu ahaa geesi naftiisa u huray la dagaalanka cadowga’’

Madaxweynaha: “Marxuum Goobaale waxaa uu ahaa geesi naftiisa u huray la dagaalanka cadowga’’
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 September 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo shaley ku shahiiday magaalada Muqdisho, isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda kadib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.

“Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka. Waxaa uu ka soo baxay kaalintii kaga aaddaneyd ciribtirka cadowga Al Shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo’’.

gobaale-salaad-janaaso-2

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Goobaale, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyo xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale ayaa shaley ku shahiiday magaalada Muqdisho, kadib markii kooxaha nabad-diidka ay la beegsadeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment