3291 Views

Musharaxiinta Mucaaradka oo ku gacan seyray go’aanka Gobolka Banadir

Musharaxiinta Mucaaradka oo ku gacan seyray go’aanka Gobolka Banadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 19, 2016: In kastoo aysan waxba ka qaban karin, ayaa Musharaxiinta Mucaaradka ka hor-yimideen go’aan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo lagu mamnuucay in aan dibad baxyo lagu qaban karin magaalada Muqdisho, iyadoo aan wax ruqsad ah looga heysan Maamulka.

Tarsan oo ka mid ah Musharaxiinta ayaa ku tilmaamay go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mid siyaasad ka dambeysay, isla markaana aanay wax sharciyad ah ku dhisneyn, asagoo an cadayn sharciyada uu sheegay.

“Go’aankaas waa mid siyaasad ka dambeyso, oo aan sharci ku dhisneyn, waa waqti doorasho lagu jiro, shirar baa dhici karaa, hadii qalad yimaado waa in banaan bax la sameeyaa, waa wax aysan awood u laheyn, qof ka yeelayana ma jirto”ayuu yiri Tarsan oo ku gacan seyray go’aanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa sheegay in go’aankan uu si toos ah uga hor imaanayo dastuurka, isagoo xusay in wax ruqsad ah looga weydiisan doonin arrintan Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waa mid si too ah dastuurka uga hor imaanaya, ruqsad lama weydiisanayo, qofka Soomaaliga wuxuu xaq u leeyahay inuu banaan baxo, shirar qabsado, sharci taas ka hor imaanaya ma jirto, mana laga ogolaan doono”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan oo la hadlayay Idaacada VOA asagoo si gaar ah isu muujinaayay.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasaaradda Amniga ay soo saartay warqad lagu mamnuucayo in shirar aanay ogeyn Wasaarada lagu qabto Hotelada, iyadoo aanay wax fasax ah looga heysan, taas oo muhim u ah nabad-gelyada magaalada.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment