3876 Views

BADDEENA MA U BANNAANBIXI WEYNAY?!

BADDEENA MA U BANNAANBIXI WEYNAY?!
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | September 20, 2016 – Waxaan jeclahay inaan qormadan kooban ku faaqido saddexdan qodob anigoo la xiriirinaya arrinta badda soomaaliyeed ee dacwadeedu ka furantay maxkamadda adduunka maanta.

  1. Waddaniyad la’aanta shacabka soomaaliyeed
  2. Qayaanada mas’uuliyiinta
  3. Iyo jilliinka qiireysan ee beenta ah ee guud ahaan shacabka soomaaliyeed.

WADDANIYAD LA’AANTA SHACABKA:

Aqristoow bal in yar i amaahi mala’awaalkaada adigoo dhug u yeelanaya hadalkeygan dabadeed go’aankaada gaar.Waxaad is yara tusaaleysaa haddii lacala, xadka lagu kala qeybiyay labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Galmudug, ee lagu kala qeybiyay magaalada Gaalkacyo, taasoo dabcan , ay wada dagaan qabiilo soomaaliyeed oo walaalo ah, dhinac la raacin lahaa (ama xagga Puntland ama dhanka Galmudud ,halkey doonto ha ahaatee. Waxaan arki laheyn MUDAAHARAADYO QABIILEED CAADIFADEYSAN) oo magaalooyin adduunka ugu waaweyn ka dhacaya boorar tira badan oo aad markiiba garaneysid in wakhti badan iyo maalba loo huray sameyntooda oo la luxayo ama kaamarooyinka warbaahinada aduunka loo dhigayo.

Sidoo kale waxaan arki laheyn dumar iyo rag calanka soomaaliyeed meel fagaare ah ku gubaya. Waxaa macquul ahaan laheyd inaan aragno hooyooyin, aabbayaal , carruur iyo cirroole ku hadaaqaya ama ku qeylinaya erayo liddi ku ah dowladda federaalka .Waxaan maqli lahayn qaylodhaan iyo cod dheer, hadalo kulkulul oo wada xanaf leh oo hawada leysu marinayo.kuwaasoo dhammaantood ku wajahnaan lahaa masuuliyiin kale ama qabiilo kale oo soomaaliyeed.

Aqristoow, maanta maxaad marqaati ka tahay? BADDII DHAXALKA UMADDA SOOMAALIYEED INTA TAFIIRTOODA IYO TARANKOODA SOCDO, OO AY ADdUUNYADA GUUDKEEDA KU NOOL YIHIIN AYAA MAXKAMAD SAARAN, KAAGA DARANE KHEYRAADKA DUL IYO HOOS CEEGAAGA DHAQAALAHA KASOO BAXA AYAA KU FILAN OO KAAFIN KARTA BAAHIDA MUWAADIN KASTA OO SOOMAALI AH.

 Hadaba badda muhiimadaa leh, miyaad aragtaa umadd soomaaliyeed oo u mudaaharaadeysa? booran u sidata , carruur iyo ciroole isa soo kaxeystay, aabbo iyo hooyo xiiqsan oo goob joog ah? oo u mudaaharaadeysa?? Jawaabta waxaan jeclahay inaan u dhaafo aqristaha markaan mala awaalkii aan ka amaahday u celiyo!

2-Qayaamada mas’uuliyiinta:

Aqriste , taas waxaa iyana kaaga filan bal ka fakar, mas’uuliyiintii shalay dhaxal wareejinta ku sameysay dhambaan tafiirta soomaaliyeed ee baddoodii muranka galisay , ayaa weli xil sare u haya?! Qaarna hadda ayey raadin iyo gucleyn ugu jiraan, siday madaxweyne ugu noqon lahaayeen.Hadda ogoow aqriste, lacagtii yareyd ee ay ka heleen baddii soomaaliyeed muranka galiyeen iyo dhaxal wareejintii ay sameeyeen, oo ay Kenya u saxiixeen baddeenii ayay DOORASHADA KU GALAYAAN AAN KU QAYAAMO,AAN KU IIBSADO, MISNA AAN KU DHAXAL WAREEJIYO, LACAGTII AAN KA HELAY IIBINTA BADDAADANA AAN ISKU SOO SHARAXO , OO IGU DOORO!! Halkaas markeey mareyso , go’aanka aqristoow adigaa iska le, anigase waxaa igu soo dhacda geeraarkii abwaan Hadraawi ee ahaa:

  • Dhidirkaba xabbaalaha 
  • Uma dhaadhaceenoo
  • Kuma dhiiradeen ruux
  • Celin kara dhawaaqee
  • Markuu meydka dhiiliyo
  • Dhaqdhaqaaq ka waayuu
  • Hore ugu dhawaadaa
  • Dhinacyadiyo feeraha 
  • Muruqyada ka dheegtaa”

Kuma gardarna ninka badda iibsaday inuu mar kale yiraahdo waxaan rabaa inaan Soomaali hoggaamiyo, sababtoo ah, waxaa mudnaan iyo maamuusba ugu daray, Hoggaanka maanta dalka haysta Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sababtoo ah, miyaa la waayey nin aan dalka iyo dadka dambi ka gelin, markii labada xil ee kala waaweyn loo magacaabay, Safiirka u fadhiya qaramada midoobey Ameerika oo loo magacaabay Labada nine e ku eedaysan Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, haddana waxaa laga dhigay Cumar Cabdirashiid, Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, taasi miyaanay ahayn dhiirigelin iyo weli boggaadin? Aqriste adigaan jawaabta kuu daynayaa?!Hal abuur Soomaaliyeed ayaa isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri: Hal abuur Cabdiraxiin Hilowle Galayr, qayb ka mid ah maansadiisii Gurmad.

  1. Baddii nagu gaadaynayd
  2. Afrika ugu gun dheerayd
  3. Geeskuna lahaan jirey
  4. Maanyadeenii gaafnayd
  5. Waa taa la gadayee
  6. Gunta waxaa u yaaliyo
  7. Guudkeed ku noolaa
  8. Gacantay u dhiibteen
  9. Giniyaalna siisteen!

 

  1. Iyagoonan garanayn
  2. Waxay uga gol leeyihiin
  3. Ayay qalin ku gaadheen
  4. Saxeexana ku giijeen.
  5. Xaajada gunteediyo
  6. Geedigu halkuu noqon
  7. Iyagoon gorfeyn weli
  8. Gocorkiyo dilaalkii 
  9. Ma galbiyay dalkiisii
  10. Sidii gabadh la guursaday
  11. Sacab maw garaaceen.
  12. Go, I waaye xaalkani
  13. Godob aan hadhayniyo
  14. Garan waa gef weeyaan.
  15. Adigoo ged kale heli
  16. Gunta waxaa u yaaliyo
  17. Gaastiyo batroolkana
  18. Ganacsiga adduunyada
  19. Kula gala heshiis adag
  20. Gebigeedba beec gee 
  21. Garan waayay aniguye
  22. Maxaa geesiyaaloow
  23. Tolow uga gol leeyihiin?
  24. In la gado badeeniyo
  25. Xuduudeeda gaarka ah
  26. Kuma jirin gudoonkee
  27. Golahaa midoobee
  28. Gardarada ku faanoow
  29. Maxaa goobta keenoo
  30. Tolow uga gol leeyihiin?

Halkaas u dhaafimaayo qodobkaas sii saafiddiisa aqristow, waase adiga iyo dareenkaa!!

 

JILLIINKA QIIREYSAN EE BEENTA AH:

 

Dadka soomaaliyeed 100% qiirada iyo jibadda indha sarcaadka ah waa ka been! waayo, mar haddii dalkii oo dhan kaala weyn yahay kaalana muhiimsan yahay gobol ama tuulo yar oo uu reerkiinu dago, maxaad soomaalinimada ku kordhin kartaa iyo jaceylka dalka oo aan been aheyn iyo jilitaa?

Mar haddii astaantii qaranka ,aad meel fagaaro ah ku gubaysid, oo weliba muuqaaladii laga soo duubay warbaahinada iyo baraha bulshada laga daawanayo, maro calal ah oo midabeysan ,oo uu reer kasta AFAR YAARDI kasoo goostay lagu badashay lagana jeclaadey, maxaad dal iyo dad ku kordhin karnaa aqristoow?

Haddii tuuladaadii ama degmadaadii la raaciyo maamul kale oo soomaaliyeed, hadaad MURAARA DILAACEYSID, HADDII BADDADII CADOWGA LOO LOOGANA AAD AAMUSAN TAHAY, maxaad dal iyo dad aad kusoo kordhin kartaa.?Hana ilaawin dalka baddeena dhacaya, inaynu wada jecelnahay, oo side u wada jecelnahay? Su’aal jawaab u baahan.

Waxaynu dhammaanteen geeynaaa dhaqaalaheena, Ganacsadihii baa jooga oo cashuurta laynagula doodaya bixiya, shaqsi kasta oo Soomaaliya ayaa horumarkooda ka qayb qaata, oo side? Qurba joogto waa u dalxiis tagaan, Siyaasiguna waa meesha uu ku nasto, Ganacsataduna dhaqaalaheedu yaallo, inta soo hadhay ee daraf iyo daraf joogtaana, Qaadkooda ayay cunaan Caleentooda shaaha ayay cabaan, Sigaarkooda ayay isticmaalaan, 100% Soomaaliya waa isha ugu muhiimsan ee KENYA dhaqaaluhu ka soo galo.

Saw maad arag inaan dhammaanteen jecelnahay, ha ilaawin dalka baddeena haysta ciidankoodu Berrigeena inay haystaan, inay xadkeena dhexdiida godad ka qoteen, inay ka shaqeeyaan meel walba iyo xafiis walba, xitaa Hoteelladeena.Maxaa diidaya inaynu dhammaan xiriirka ganacsi, siyaasi iyo derisnimo u jarno haddeysan ka laaban gardarada iyo xadgudubka ay inagu hayso? Jawaabtu waa inaan jecelnahay oo aynaan ka maarmin.

Haddaba iska wado jilitaanka qiira jabaanka aan meel gaarsiisnayn iska wado. Aqriste la noqo mala awaalkaadi iyo dhagihii aad i amaahisay daqiiqado kahor waana kaaga mahad celinayaa!

.

.

Cismaan Maxamuud(Guuleed weykan)

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment