7413 Views

Jibriil Cabdulle oo Muqdisho uga dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynanimo

Jibriil Cabdulle oo Muqdisho uga dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynanimo
____________________________________________________________________________

Muqdishu, 20, Sept, 2016 – Jabriiil Ibraahim Cabdulle oo ahaa Madaxa Hay’ada Cilmi Baarista CRD, kana mid ahaa hogaanka ururadda bulshada  rayidka Soomaaliyed , ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay Xilka madaxweynenimada Soomaaliya taas oo la filayo in ay dhacdo tartankeedu dhamaadka bisha Oct, 2016.

Xaflad musharaxu kaga dhawaaqayey tartanka madaxweynanimada Soomaaliya ayey isugu yimaadeen ku dhawaad 10,000 oo qof taas oo ka dhacaday Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Salaadiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween, Siyaasiyiin, Dhibanayaasha Bulshada, Xoogsatada Dekeda Muqdisho iyo Fanaaniin kala duwan.

Jabriil ayaa sheegay inuu musharax u yahay dhaq dhaqaaqa Hal Qaran oo ay ku midaysan yihiin dhamaan bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ka turjumaya soo celinta midnimada iyo isbadal ka hana qaada dalka Soomaaliya.

jibriil-musharax-3

“Waxaan aad uga xumahay inaad dhib badan kala kulantaan marida wadooyinka idinkoo u socda ka qayb galka xaflad dhacaysa, waana mid ka mid ah ayaandarooyinka dalka haysta in qofka muwaadinka ah uusan helin marar badan xuquuqdiisa dhaq dhaqaaq,  waxaan aad ugu faraxsanahay inaad muujiseen in codkiina aan la celin karin daruuf kasta oo jirta. Qorshahayga qayb kama ahayn inaad isugu timaadaan gudaha iyo daafaha hoteelka ee waxaa noo qorshaysnayd inaan ku qabsano garoomada ciyaaraha, balse nasiib daro arinkaas waa noo suurta gali waayey culaysyo jira awgood”

jibriil-musharax-4

Jabriil oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay “maanta Soomaaliya waxay maraysaa marxalad kala guur ah oo la mid ah tii 1960-kii, waxaana maalintaas ka saaray muwaadinin Soomaaliyeed oo aaminsanaa in horumarka dalku ku jiro isku duubni waxayna suurta gal ka dhigeen in ay soo hooyaan guul iyo qaranimo. Maanta afarta sano ee soosocota waa mid qiimo weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, hadii ay naga khasaarto sidii afartii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya waxay galaysaa dib u dhac weyn oo ay adag tahay in ay ka soo kabsato” ayuu yiri mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle.

Xaflada Musharaxnimadia mudane Jabriil ayaa too uga socotay dhamaan telefishanada iyo idaacadaha dalka, waxaan sidoo kale toos u daawanayey boqolaal kun oo dhalinyaro ah kuwaas oo kala socday baraha Bulshadu ku xiriirto. Waxyaabaha uu kaga duwan yahay Jabrii Musharraxiinta kale ayaa ah in Ololihiisa doorashada ay hoggaaminayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed oo iyagu ah dhibanayaasha saamayntu  ugu badan ay ku yeelatay dhibaatooyinka dalka ka jira.

jibriil-musharax-1 jibriil-musharax-2 jibriil-musharax-5 jibriil-musharax-6 jibriil-musharax-7 jibriil-musharax-8 jibriil-musharax-9

.

.

.

___________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment