6081 Views

Maamulka Galmudug oo soo saaray Calaamada Aqoonsiga “Taariko” ay isticmalaan Gaadiidka Dadweynaha

Maamulka Galmudug oo soo saaray Calaamada Aqoonsiga “Taariko” ay isticmalaan Gaadiidka Dadweynaha
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QOL | September 20, 2016 – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa maanta soo bandhigay aqoonsiga gaadiidka dadweynaha ‘Taariko’ oo ay uu talagaleen in lagu diiwaan geliyogaadiidka  kala duwan ee ka shaqeeya deegaannada hoostaga maamulka Galmudug.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Galmudug ayaa maanta ku guuleysatay in ay soo bandhigto Taarikada cusub ay yeelanayaan maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi Carrabey oo ka hadlayay Munaasibaddii maanta ee ka dhacday degmada Cadaado laguna soo bandhigayay Taarikooyinka cusub ayaa sheegay in Gaadiidleyda ay heystaan muddo 10 Maalmood ah inay isku diiwaan geliyaan qaataana astaanta aqoonsiga gaadiidka ka howlgala lagana leeyahay deegaanada hoostaga maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in 10kaas maalmood Gaadiidleyda ku qaadan waaya astaanta ‘Taarikada’ lala tiiksan doono sharciga u degsan wasaarada gaadiidka ee maamulka Galmudug.

taarikada-galmudug-1taarikada-galmudug-2 taarikada-galmudug-3 taarikada-galmudug-4 taarikada-galmudug-5 taarikada-galmudug-6 taarikada-galmudug-7 taarikada-galmudug-8

.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment