3495 Views

Dabageed “Wax la qeybsaday oo reer Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku heshiiyeen ma jirto”

Dabageed “Wax la qeybsaday oo reer Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku heshiiyeen ma jirto”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 20, 2016:  Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, ayaa ka soo hor-jeestay heshiiskii laga gaaray qeybinta Xildhibaanada ee Odayaasha dhaqanka Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo tilmaamay in aanay jirin wax ergo ah oo ka socota Hiiraan oo ku sugan Jowhar in kastoo usan cadeeyn kuwa Hiiraan ka yimid ee hada jooga magaalada Jowhar.

Dabageed ayaa sheegay inay jiraan dad dano ka leh howlaha ka socda magaalada Jowhar, waxaana uu caddeeyay waxba kama jiraan uu yahay wax la qeybsaday, isla markaana Gobolka Hiiraan aanu wax shaqo ah arrintaas ku laheyn haba yaraatee.

“Wax shaqo aan ku leenahay ma jirto waxa meeshaas lagu qeybsaday, reer Hiiraan iyo reer Shabeellaha Dhexe wax ay ku heshiiyeen ma jiraan, dad dano gaar ah wata waaye, Ergo Hiiraan ka socota oo matalaya oo Jowhar ku sugan ma jiraan”ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa ku daray in ergada ku sugan Jowhar ay yihiin kuwo Xamar laga keenay, balse aanay aheyn ergadii saxda aheyd ee reer Hiiraan, in kasto ay u dhasheen gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ugaasyada reer Hiiraan ay intooda badan ku sugan yihiin Beledweyn, isla markaana Jowhar ku sugan yihiin labo Ugaas oo kaliya.

“Siyaasada Gobolka anaga ka wakiil ah, waxa laga shaqeynayo waa siyaasad, dhaqankana waxba lagama weydiin, inta badan Ugaasyada waxay joogaan Beledweyn, 7 ugaas ayaa halkan joogta, Jowharna 2 ugaas ayaa ku sugan, waxaasna anaga raalli kama nihin, hadii sidaan ku socotana reer Hiiraan waa tashanayaan”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay ku dhawaaqday in odayaasha dhaqanka ay heshiis ka gaareen qeybsiga kuraasta Baarlamaanka, iyadoo beelaha dega labada gobol ay tiro kala duwan ka soo gaartay xubnaha Baarlamaanka soo socda.

Shirka Jowhar oo ay fududeynayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ayaa ku socda si dar dar leh, waxaana qorshuhu yahay in 28-ka bishan la doorto Guddoomiye Baarlamaanka, halka Madaxweynahana la dooran doono 3-da bisha October, taas oo macnaheeda tahay in arrinta maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh.dhexe ay dhamaad ku dhowdahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment