3351 Views

Dibad-bax looga soo horjeedo muranka Badda oo maanta Muqdisho ka dhacayo

Dibad-bax looga soo horjeedo muranka Badda oo maanta Muqdisho ka dhacayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 21, 2016: Maanta Banaan-bax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir. 

Banaan baxan ayaa ka dhici doono Fagaaraha Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan, halkaasoo shacabka degan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir loogu baaqay inay isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan Qadiyadda Badda.

C/fataax Cumar Xalane afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir inay isugu soo baxaan banaan bax nabadeed oo ujeedkiisa yahay sidii ay u muujin lahaayeen in aanay Badda Soomaaliyeed iib aheyn, isla markaana shaki la gelin karin.

Sidoo kale banana baxa ayaa looga soo hor-jeedaa damaca Kenya ay ku dooneyso Badda Soomaaliya ay leexsato qeyb ka mid ah oo la rumeysan yahay inay yihiin goobaha ku jira kheyraadka, sida Batroolka iyo wayaaba kale.

Dibad-baxaan maanta ka dhacaya Muqdisho ayaa ku soo beegmayaa, iyadoo maalintii 3aad ay galeyso dhageysiga dooda dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana shalay la dhageystay qareennada u doodayay Soomaaliya, kuwaas oo arrinta meel wanaagsan marsiiyay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment