3921 Views

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 21, 2016: Dr. Axmed Cali Dahir, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilowday muranka haatan ka taagan Badda, kadib markii ay si qaldan xuduuda u calaameysatay, iyadoo ka faa’ideysaneysa dowlad la’aanta Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayuu ku sheegay in Heshiiskii MOU ee is fahamkii labada dal gaareen si qalad ah loo fasirtay, isagoo xusay in is fahamkaas aanu aheyn mid lagu xalinayo muranka badda ama xadeynta badda, balse qalad laga fahmay.

“Cid muran galisay ma jirto Badda dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna ma jiro, Dowladda Kenya iyadaa iskeed u jeexatay 2005 calaamadeysatay biyaha Soomaaliya, isla markaana shirkado ajnabi heshiis la gashay, murankana maalintaas ayuu bilowday, iyadoo ka faa’ideysaneysa bur burkeena iyo dowlad la’aantii”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa sheegay in qarreenada u doodaya Soomaaliya ay jawaabo wanaagsan ka bixiyeen doodii Kenya, isla markaana si cad uu qayaxan u soo bandhigeen Qarreenada in Maxkamadda ay awood u leedahay inay dacwadan qaado, marka dhinac walba laga eego, sida MOU ku qornayd.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment