2697 Views

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhici-doono sannadka soo socda

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhici-doono sannadka soo socda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 21, 2016: Theresa May, Ra’iisul Wasaaraha UK, ayaa khudbadii u horeysay ka jeediyay Shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York, iyadoo soo hadal qaaday kaalinta UK kaga jirto Arrimaha siyaasada iyo ammaanka Soomaaliya mudadihii dambeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha UK, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay taageero la garab taagan yihiin laga soo bilaabo sanadkii 2010 illaa iyo maanta, waxaana ay cadeysay inay ka taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“UK waxa ay garabtaagantahay sii wadida iyo xoojinta sidii argagixisada looga ciribtirlahaa geeska afrika gaar ahaan soomaaliya waxaana hadda Soomaaliya ka caawinay in dowladdu ay alshabaab kala wareegto magaalooyin waa weyn oo mihiim ah”ayay tiri Theresa May.

Theresa May, ayaa ku dhawaaqday in sanadka soo socda 2017 ay marti gelin doonaan shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhaqaale loogu uruurinayo dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxaan sanadka soo socda marti gelin doonaan shir caalami ah, si wax looga qabtao arrimaha dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika”ayay tiri Theresa May.

Theresa May ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya u dirayaan Ciidamo cusub oo dheeraad ah, si ay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM uga caawiyeen sidii Al-Shabaab xididida loogu siibi lahaa wadankana nabad u noqon-lahayd.

Waxaa ay intaa ku dartay, in UK ay u dirtay Soomaaliya in ka badan 200 askari, kuwaasoo u badan La taliyeyaal milateri, iyadoo intaa ku dartay in xero milateri ay ka dhisanayaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Ingriska, ayaa sanadihii u dambeeyay door ku laheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo sanadihii 2012 iyo 2013 marti gelisay shirar looga hadlayay xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment