3585 Views

Ganacsade caan ah oo xalay la dilay

Ganacsade caan ah oo xalay la dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 22, 2016: Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Beledweyn Ganacsade caan ka ahaa magaalada, kaasoo lagu magacaabi jiray Daahir Mahad-Alle, iyagoo dhaawac u geystay wiil uu dhalay Ganacsadaha.

Ciidamada dowladda ayaa baadigoob ugu jira dadkii ka dambeeyay dilkaas, iyagoo howl gallo baaritaano ka wada xaafado ka tirsan Beledweyn iyo agagaarkiisa

Cid loo soo qabtay dilkan, ilaa iyo hada  ma jirto iyadoo dadka deegaanka ay ka naxeen dilkan loo geystay Ganacsadahan.

Dadka qaar, ayaa sheegaya in Ganacsadahan aanu wax lug ah ku laheyn siyaasada, waxaana uu ahaa Ganacsade laga yaqaanay Gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyn ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay dadka wax galka u ah bulshada oo ay ku jireen Nabadoono kala duwan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment