6513 Views

Musharax Xildhibaan Eng. Jalwo oo ka tanaasulay musharax nimadii

Musharax Xildhibaan Eng. Jalwo oo ka tanaasulay musharax nimadii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 22, 2016 – Musharax Xildhibaan Eng. Abdirizak Jalwo oo kamid ahaa xubnihii isku soo sharaxay in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Dowlada Soomaaliya ayaa caawa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay xilkaas uu horey isugu soo sharaxy.

Musharax Xildhibaan Eng. Abdirizak Jalwo oo kamid ahaa xubnihii isku soo sharaxay in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Dowlada Soomaaliya ayaa caawa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay xilkaas uu horey isugu soo sharaxy.

Qoraal kooban uu soo saaray Musharaxa Xildhibaan Eng. Abdirizak Jalwo ayuu ku sheegay in uu ka tanaasulay doonistii kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay musharaxiinta kale in ay isku tanaasulaan.

Qoraal kooban uu soo saaray Musharaxa ayaa u qornaa sida tan:

Ujeeddo: War Sxaafadeed
Ku: Hoggaanka dhaqanka Murusade

Anigoo ah Eng. Abdirazak Jalwo ahna musharrax u taagan xildhibaan qaran 2016

• Markaan arkay Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee beesha dhex taal
• Markaan arkay Xaaladda siyaasdeed ee beeshu ku sugan tahay
• Markaan tixgeliyey baahida loo qabo midaynta Beesha
• Markaan tixgeliyey magaca iyo miisaanka qoyska aan ka dhashay ku leeyahay beesha dhexdeeda
• Markaan tixgeliyey kaalinata qoyska aan ka dhashay ka qaadan karo isu keenidda Beesha aaminsanna

Inaan helayo kalsoonida ugaaska Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo tan weliba dhaqanka beesha:

Waxaan go’aansady inaan ka tanaasulo u tartamidda xubin Baarlamaanka 2016-ka anigoo ku kalsoon iney tallaabadani weji cusub u furi doonto qof walba oo ka tirsan beesha oo xil u tartamaya abuurina doonto isu soo dhawaasho inta ay siyaasaddu kala geyn lahayd. Waxaan mahad ballaaran u celiinayaa intii i garab istaagtay iyo intaan i garab istaagin. Ugu dambayn waxaan xubnaha u tartamaya xilalka beesha kula dardaarmayaa in halbeeggoodu noqdo is qaddarin ku salaysan isutanaasul iyo is xushmayn.

.

.

Wabbillaahi Tawfiiq
Eng. Abdirizak Jalwo

____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment