3984 Views

Beelaha oo isku haysta qaybsashada ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada

Beelaha oo isku haysta qaybsashada ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 24, 2016: Khilaafaad badan ayaa ka taagan sida loo qeybsanayo ergooyinka Beelaha ee soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose, iyadoo beelaha qaar ay isku maandhaafsan yihiin soo xulitaanka tirada beel walba ka soo gaartay 51-da ergo.

 

Waxaa sheegayaa in is-maadhaafka ka jira soo gudbinta ergada beelaha, ayaa waxaa qeyb ka ahaa siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda waqtigeeda dhamaaday oo doonaya in shaqsiyaad si gaar ah u wataan in loogu daro, si ay iyaga u doortaan berrito.

Sidoo kale wararka qaar ayaa intaa ku daraya odayaasha dhaqanka ee 135-ka ah ay u gudbiyeen Beelaha inay soo gudbiyaan liiska 51 ergo, hase ahaatee uu is qab qabsi ka jiro.

Beelaha Muddullood ayaa ka mid ah beelaha isku heysta ergada, waxaana maalmahan shirar beelaha qaar ay lahaayeen oo looga hadlayay qaabka loo qeybsanayo ergada ay noqdeen kuwo lagu kala tagay, markii beelo qaar ay damceen inay ka sad-badsadaan beelaha kale ee yar yar.

Waxaa kale oo meesha ku jira in Siyaasiyiin damac ku jira ay doonayaan in xubno iyaga taageersan loogu daro ergada, taas ayaana sabab u ah in waqtigii la filayay soo gudbinta liiska ergooyinka uu dib u dhac ku yimaado.

Guddiga doorashada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka hadlo caqabadaha ka taagan ergooyinka aan wali la soo gudbin iyo dib u dhacyada ku imaan kara doorashada, waxaana dhowaan ugu baaqeen Odayaasha inay soo gudbiyaan liiska rasmiga ah ee ergooyinka.

Olole ballaaran oo ay wadaan Musharaxiin u taagan kuraasta Xildhibaanada ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana arrintan kala qeybsanaan ku kala eegtay xubno horay saaxiib u ahaa, oo markan noqday kuwo isku damac ah oo Xildhibaano wada raba intooda badan.

Beel walba ayaa laga doonayaa in kursiga Xildhibaanimo ee leedahay isku soo sharaxaan shan xubnood, waxaana soo dooran doona 51 ergo, iyadoo maalmahan ay isa soo tarayeen Musharaxiinta Xildhibaanada ee u taagan kursiga Xildhibaanimo ee beesha ay ka dhasheen

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment