3198 Views

Hindiya oo dil ku xukuntay 50 ruux oo Soomaali ah

Hindiya oo dil ku xukuntay 50 ruux oo Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 24, 2016: Dowladda Hindiya ayaa 50 ruux oo Soomaali ah,  dil ku xukuntay kuwaasoo ka mid ahaa 119 qof oo horay dowladda Hindiya u sheegtay inay ahaayeen burcad badeed horay loo soo qabtay.

Afar howl gal oo ciidamada badda Hindiya ka sameeyaan Xeebaha Badweynta Hindiya ayaa intii u dhaxeysay 2011 iyo 2012 ku soo qabteen dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay lagu eedeeyay inay burcad badeed ahayeen.

Qaarkood eedeysanayaashaan, ayaa waxay qirteen dambigooda, waxaana mid ka mid ah dhalinyarada nin lagu magacaabo Bishaar Xuseen uu caddeeyay inuu dambiga galay, isla markaana uu ogyahay qiraalkaas natiijada ka dhalan karta, una diyaar yahay inuu wax walba wajaho.

70 qofood oo marqaatiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku markhaati kaceen eedeysanayaashan, halka qaarkood oo ajaaniib ahaa la sheegay inay maxkamadda ka maqnaayeen oo aysan imaan.

Sanadihii u dambeeyay ayaa xabsiyo ku yaal Hindiya waxaa ku jiray dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad badeed, waxaana qaar ka mid ah ay u dhinteen cuduro ay ka mid yihiin Qaaxadda iyo xannuuno kala duwan.

Tani ayaa noqoneysa tiradii ugu badnaa ee dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay burcad badeednimo lagu xukumo dil.

Wali Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlin xukunkan ay riday Maxkamad ku taal Hindiya, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Safaarada Soomaaliya ee Hindiya iyo safiirka u jooga.

Xeerarka dilka ee Hindiya ayaa ah kuwa ugu dambeeya, iyadoo inta badan Maxkamadaha dalkaas ay ridaan xukunada xabsi daa’inka, laakiin arrintan ayaa ka duwan xeerarkii hore ee lagu xukumayo jiray dadka dambiyada gala. Tani waxad moodaa in ay Soomali gaar u tahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment