4674 Views

Weerar oo dad badan ku waxyeloobeen oo xalay ka dhacay Beledweyn

Weerar oo dad badan ku waxyeloobeen oo xalay ka dhacay Beledweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 25, 2016: Dad la sheegay 8 ruux, ayaa ku dhaawacmay weerar bambaano oo xalay lagu qaaday fariisin ciidamada dowladda ku leeyihiin mid ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyn.

Bambo gacmeedka ayaa lagu tuuray fariisin ciidamada ku sugnaayeen oo ku yaala xaafada Buundo weyn, waxaana dadka ugu badan ee ku dhaawacmay ay u badnaayeen dad rayid ah oo an waxba galabsan.

Ciidamada ayaa rasaas furay, kadib markii bam gacmeedka lagu soo tuuray, waxaana la sheegay in rasaasta ku dhaawacmeen dad rayid ah oo aaga ka dhawaa.

Weerarkan ayaa khal khal iyo cabsi ku abuuray dadka degenaa xaafada Buundo Weyn, iyadoo ciidamada ammaanka howl gallo lagu baadigoobayay kooxihii bamka soo tuuray ka sameeyeen xaafada, balse uma suura gelin inay gacanta ku dhigaan dadki falka gaystay.

Magaalada Beledweyn ayaa waxaa ku soo kordhayay habeenadii u dambeeyay falal amni daro, waxaana ay ugu dambeysay dhowr habeen ka hor oo lagu dilay Ganacsade caan ahaa oo magaalada la yaqiinnay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment