3054 Views

AMISOM oo xallisay Colaadii Marka

AMISOM oo xallisay Colaadii Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 26, 2016: Shir socday afar maalmood oo xal looga gaarayay colaada ka taagan magaalada Marka iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo garwadeen ka aheyd AMISOM iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa heshiis ka kooban afar qodob lagu kala dhex dhigay beelihii muddooyinkii u dambeeyay ku dagaalamayay magaalada Marka iyo meelo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Biyomaal iyo H/gidir ayaa muddo sanado ah colaad soo jiitameysay ku dhex maray qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo geystay khasaare isugu jira naf iyo maal.

Beelahaan, ayaa ku heshiiyay in xabada la joojiyo, in la kala qaado ciidanka, in ciidamo boolis la geeyo magaalada Marka iyo gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo.

C/qaadir Nuur Caraale,Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Koofur Galbeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Marka iyo Shabeellaha Hoose ay u baahan yihiin inay nabad noqdaan, waxaana uu ugu baaqay in dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka ay u gurmadaan.

Taliyaha AMISOM ee Qeybta Sector One ee qaabilsan Gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose Samuel Okiding ayaa sheegay in nabad laga ka hirgasha magaalada Marka ay ka dhigan tahay in Shabeellaha Hoose oo dhan ay nabad noqoto.

Lama oga sida uu ku hirgeli doona heshiiskan nabadeed ee laga gaaray colaadii Marka ka jirtay iyo qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose, waxaana dhowr jeer bur buray heshiisyo sidan oo kale juhdi badan la geliyay ayaa waxay sababeen jahwareer iyo barakac joogta ahaa, iyadoo magaaladaas ay dhowr jeer gacan ku heynteeda isaga kala dambeeyeen Al-Shabaab, ciidamada dowladda iyo AMISOM oo hal dhinac ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment