3264 Views

Dib u eegis lagu sameynayo Heshiiskii lala galay Shirkadaha maamula Dekeda iyo garoonka Adan Cade

Dib u eegis lagu sameynayo Heshiiskii lala galay Shirkadaha maamula Dekeda iyo garoonka Adan Cade
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 26, 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameyn doonta Heshiiskii lala galay Shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha iyo Dekada Muqdisho ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu yimid shaki ku aadan dhinaca dhaqaalaha ka soo xarooda Garoonka iyo Dekeda Muqdisho.

Maxamed Aadan Fargeeti waasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiisyadii lala galay Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak dib u eegis lagu sameyn doono, isla markaana ay miiska saaran yihiin heshiisyadaas.

“Heshiiska aan la galnay oo qoraal ah miiska ayay saaran yihiin, labadaba dib u eegis ayaa ku socota, Al-Beyrak waxay noo sheegeen waxa ay ka qaataan Dekeda iyo waxa ka soo gala aan isku mid aheyn”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo wareysi siinayay Telefishinka Horn Cabel.

Wasiirka ayaa sheegay in arrinta ku saabsan Garoonka ay rumeysan yihiin in dhaqaalaha ka soo gala inteeda badan qaadato Shirkadda Favori, taasna iyana heshiis laga gaari doono.

“Dowlad ahaan waxaa aaminsanahay in Favor naga badsanayaan dhaqaalaha, laakiin waxay noqon doontaa mid labada dhinac lagu qanacsan yahay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Farketti, ayaa sheegay in marka lagu sameeyo dib u eegis heshiisyadaas, isla markaana la isla meel dhigo wixii jira ay qandaraaska u kordhin doonaan Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak.

Shirkadda Favori ayaa bishii September ee sanadkii 2013 la wareegtay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde, iyadoo xilligaas kala wareegtay maamulka Garoonka Shirkadda SKY oo muddo saddex sano maamuleysay garoonka Adan Cade.

Sidoo kale Shirkadda Albeyrak ayaa iyana lagu wareejiyay Dekeda Muqdisho bishii September ee sanadkii 2014, waxayna shirkadan ku soo kordhisay dekeda adeegyo casri ah oo lagu hormariyay Dekeda.

Dr. Nuur Faarax, Hanti dhowraha Guud ee Qaranka, ayaa ku eedeeyay Shirkadaha Favor iyo Al-Beyrak inay diidaan in la xisaabtan lala sameeyo, isagoo caddeeyay in madaxda dowladda uu ku wargeliyay arrintan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment