2967 Views

”Waxaan bilaabeynaa howlgal cusub oo ka dhan ah Al-shabaab”

”Waxaan bilaabeynaa howlgal cusub oo ka dhan ah Al-shabaab”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 26, 2016: Maxamed Xaashi Cabdi Carabay, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay qorshaynayaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabo deegaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ciidanka laysku dhafi doono oo la mideyn doono si ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab kaga saaraan degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Mudane Carabay, ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay bilaabayaan guluf colaadeed oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee sugan Gobolka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo aad farabadan oo katirsan Galmudug, soona qaatay tababaro kala duwan , kuwaa soo ku sugan deegaanada  maamulka Galmudug.

Shacabka kunool deegaanada maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howgalka ayna taageeraan ciidanka Galmudug, kaas oo la doonayo in uu xureeyo Gobolka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment