4674 Views

Dibadbax ka dhacay Cadaado

Dibadbax ka dhacay Cadaado
____________________________________________________________________________
Muqdisho, September 27, 2016: Banaanbaxan ka dhacay magaalada Cadaado ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo uga soo horjeeda tacaddiyada xabsiyada ku haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee daafaha caalamka ku xirxiran,
Banaanbaxayaasha oo ay ka mid ahayeen ehelada dhalinyarada ku xiran wadanka India ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen Kaluumaysato, iyagoo sheegay in dayac iyo darxumo ay xabsiyada ku hayso muddo dheer.
Xaawo Abtidoon Kadiye oo ka mid ah haweenka banaanbaxa ka qayb qaadanayay ayaa ka codsatay dawlada Soomaaliya inay dhalinyaradaasi xaaladooda si gaar ah uga warhayso.
Caruuse Macalin Axmed Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Galmudug ayaa sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in dhalinyaradaasi ay xabsiyada dalka India isaga jiraan muddo 5-sano ah, iyada oo aan maxkamad la soo taagin.
Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee ku xiran wadanka Indiga ayaa gaaraya 119-Ruux, kuwaas oo badankood waqti qura ay Maraakiibta Indiga ka qabteen Badda Soomaaliya 2011-dii, tan iyo waqtigaasna maxkamad lama soo taagin.
unnamed-7-3
unnamed-8-1
unnamed-9

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment