4905 Views

Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 28, 2016: Warar isdhaafsan ayaa ka soo baxaya dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ku yaal dhanka bari ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo dagallo ka dhaceen xalay.

Dagaalkan, oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay markii kooxo hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Puntland ku lahaayeen koofur bari Gaalkacyo, halkaas oo ay ka dhaceen dhibaatooyin kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in gaadiid dagaal ku gubeen goobtaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeyn ay geysatay diyaarad dagaal, inkastoo wararkan ay yihiin kuwo an la hubin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalka ka dhacay koofur bari Gaalkacyo, balse waa la ogaan-doonaa wixi ka soo baxa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment