3669 Views

Dab ka kacay suuqa Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir

Dab ka kacay suuqa Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 29, 2016: Dab xoogan oo geystay qasaare maaliyadeed, ayaa saaka ka kacay suuqa Buulo xuubeey ee degmada Wadajir kaasoo burburiyay dhowr dukaan oo ku taalay suuqaasi, balse cid wax ku noqotay ma jirto

Gaadiidka dabdamiska gobolka banaadir, maamulka degmada Wadajir iyo dadweeynaha deegaankaasi oo iskaashanaya ayaa ku guuleeystay bakhtiinta dabkaasi inta uusan meel kale gaarin.

Dabkaasi oo ku fiday qeybo ka mid ah suuqaasi ayaa la xaqiijiyay in uu geystay khasaare maalyadeed oo illaa hadda aan la shaacinin inta ay la egtahay.

Majiraan wax dhimasho ah iyo dhaaswac soo gaaray dadkii meheredaha ganacsi ku lahaa suuqa Buulo xuubeey, gaar ahaan goobinii saakay uu ka kacay dabka an kor ku soo xusnay.

Wixi war ah ee nagu soo kordha, kala socda halaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment