5181 Views

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay heshiiskii Badda Soomaaliya

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay heshiiskii Badda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 29, 2016: Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, ayaa ka iska fogeeyay inuu wax ka ogaa heshiiskii is fahamka badda ee ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya sanadkii 2009-kii.

Sheekha oo xalay ka qeyb qaadanayay barnaamij dood ah ah oo ka baxay Telefishinka Somali Cable, isla markaana  su’aalo lagu weydiiyay ayaa mid ka mid ah su’aalihii la weydiiyay aheyd arrinta Badda ee muranka badan dhalisay iyo walaaca Shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen in Badda Soomaaliya qeyb ka mid ah Kenya la siiyay.

Mudane Shariif ayaa ugu horeyn sheegay in aanay jirin Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay midna, isagoo xusay in arrintaas oo dhan la siyaasadeeyay, isla markaana lagu soo aadiyay markii uu dalka ku soo laabanayay sida uu yiri.

“Marka ugu horeysa heshiiska is fahamka ee la saxiixay, cid akhrisay ma idinku jirtaa, ma waxaa ku jirta Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay, waxaas oo dhan waa la siyaasadeeyay, Baddan marka aan imaanayay soo baxday oo dadka oo dhan la abaabulay maxay tahay, sheekadan siyaasad waaye, Ra’iisul Wasaaraha idin jawaabay, Wasiirka idin jawaabay, anigana maba arkin warqad lagu saxiixay iyo meel lagu saxiixay ma ogeyn, hadey fiican tahay, dadkaas is ka leh, hadey xumaatana ayagaa leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Waxaa uu sheegay in heshiiskii is fahamkaa uu Soomaalida xaq u siinayo qadiyadeeda in dacwada lagu wareejiyo Maxkamadda Hague, isagoo xusay inay ku jirto fursad ah in Maxkamadda aqbasho dacwada labada dowladood, maadaama ay ku heshiiyeen inay arrinta badda ka wada hadlaan, isagoo intaa ku daray arrinta badda inay soo bilaabatay sanadkii 2005-tii, balse aanay aheyn 2009-kii.

Tan kale kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka hadlay maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ugu baaqay dowladda inay fursad siiso dadka degan labada gobol, isla markaana dib u heshiisiin loo qabto, kadibna loo gudbo maamul, inkastoo uu xusay in waqtigu aad u yar yahay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka hadleysay muranka Badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo todobaadkii hore doodihii labada dhinac jeediyeen lagu soo gaba gabeeyay Maxkamadda Hague, waxaana dad badan ka hadalka dowladda ee arrinta Badda ku tilmaameen mid siyaasadeysan oo u muuqday olole doorasho oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga faa’ideysanayay, marka loo eego fariimaha sida is-daba jooga uga soo saarayay dacwadii Badda. Arrintaan ayaa ahayd mid horay loo siyasadeeyay, kana horreysay Dowladda hadda jirto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment