3951 Views

Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka furmay Jowhar

Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka furmay Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 29, 2016: Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelle ayaa ka furmay magaalada Jowhar kaasoo lagu ansixinayo dastuurka uu yeelandoono maamulkaasi.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen ergooyin ku dhow 300 laguna ansixinayo dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Dr Yahye Cali Ibraahim, Gudiga fududeeynta shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, mas’uuliyiin ka socotay maamullada Hiiraan iyo Sh/dhexe, urur goboleedka IGAD iyo waxgaradka labada gobol.

Gudoomiyaha Gudiga Fududeenta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe Ciise Samow ayaa u mahad celiyay salaadiinta dhaqanka iyo dadka labada gobol oo in muda ah u dhabar adeegay inay dhistaan maamul aayahooda ka shaqeeya.

‘’ Waxaan ku faraxsanahay in maanta la soo gaaray wajiyadii u dambeeyay ee shirka oo aan xareynayno ergadii ka doodeysay dastuurka dowlad goboleedka dhamaan intii u dhabar adeegtay duubabka dhaqanka iyo ergooyinka waan u mahadcelinaya”  Ayuu yiri Gudoomiye Samoow

Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Sh-dhexe ahna  Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka oo marti galinaya shirkan iyo Gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Macalin Qalaafoow ayaa sida wadajir ah u bogaadiyay furitaanka wajiga labaad ee shirka iyo ku guuleysiga xareeynta ergada ee wasaaradda arimaha Gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya.

Suldaan Axmed Rashiid Shiiq Shuceyb iyo Nabadoon Maxamuud Xalane oo ku hadlay afka waxgaradka labada gobol ayaa wadajir u sheegay in dadka labada gobol ay ka go’antahay inay helaan maamul ka shaqeeya aayahooda.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka Dr Yaxye Cali Ibraahim oo furay wajiga labaad ee shirkan ayaa sheegay in ergada ay ka sugayaan in mudo kooban ay ku ansixiyaan qabya qoraal dastuurka labada gobol.

‘’ Ergooyinka shirka oo aan u talagalnay ilaa 300 waxaa maanta nala jooga 250  inta kalena waa ay ku soo biiraysaa insha allah howlaha horyaalo waxa ka mid ah doodista iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe  markaasi kadib waxaan guda gali doonaa wajiga sedexaad ee soo xulista xildhibaanada Barlamaanka waxaana noo xigi doonto doorashada Gudoonka Barlamaanka iiyo Madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaan rajaynaynaa in ugu dambeyn 15 bisha soo aadan ee oktoobar in labada gobol ay yeeshaan Barlamaan iyo Madaxweyne” ayuu yiri xoghayaha joograda ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federal Prof. Yaxye’’

Shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh-dhexe ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu furay 12 Janaayo ee horaantii sanadkankan waxaaana haatan uu soo gaaray heer gabagabo  ah, todobaadyo guduhoodna waxa la filaya inuu soo idlaado oo howshaas ay soo xiranto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment